Dalka Britain iyo isbedelka dhacaya bisha April ee sanadkan 2013

March 21, 2013 - Written by

joojeMarka hore mahad idilkeed waxa iska  leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii  ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta lahoow iga  gudooma salaanta islaamka ah ACWW. Ka dib markii ay xukunka dalkan  ingiriiska ay ku guuleysteen xukuumadan conservativeka ayaa waxaa ay wax badan  isku dayeen in ay dhimaan qarashaadka dowladda si ay waddanka uga saaraan  dhaqaale xumida ka jirta. Arimaha ay xooga  saareen waa sidi ay u yareen  lahaayeen waxa loo yaqaan benefitka oo ay dhiira galin ugu sameyn lahaayeen  shaqada. Waxaa ay wax badan ka hadleen in ayan xaq aheyn in la simo qof shaqo u  kalahaya iyo qof kale. Haddaba sanadkan 2013ka ayeey ballan qaadeen in uu dhici  doono isbadal weyn kaasoo lagu qiyaasay in uu yahay isbadal dhaca muddo lixdan  sanadood ah kii ugu weynaa.

Haddaba bal aynu wax yar ka taataabano  isbadalada dhacaya iyo halka ay ka dhacayaan.

–  Bedroom tax:  – laga bilaabo April 2013ka waxaa lasoo rogayaa sharci oranaya qof walboo heysta  ama reer walboo heysta qolal ka badan baahidooda, in lagu amrayo in ay  raadsadaan guri ku filan baahidooda ama qol walbaa oo dheeraad ah laga jarayo  lacag. Tusaale ahaan qofkii heysta 2 qol oo ay baahidiisu tahay 1 qol kaliya  qolka kale waxaa laga jarayaa todobaadkiiba lacag dhan boqolkiiba 14%. Haddii ay  dheeri kugu yihiin 2 qol waxaa lagaa jarayaa boqolkiiba 25%.

–       Qolalka waxaa la badalay sidi hore ee loo seexin jiray caruurta oo caruurta ay  da’doodu ka yar tahay 10 jir waa leysla seexinayaa wiil iyo gabar oo qol walbaa  waxaa wadaagaya labo caruur. Haddii ay ka weyn yihiin 10 kana yar yihiin 16 jir  waxaa leysla seexinayaa wiil iyo wiil, gabar iyo gabar. Haddii uu cunugu ka weyn  yahay 16 qol ayuu xaq u yeelanayaa kaligii midkuu doono ha ahaaddo wiil iyo  gabar.

–  Council Tax Benefit:  – Council tax benefit oo aheyd lacagta canshuurta ee laga bixiyo dadka qaata  ceyrta, magacii hore waa laga badaly oo waxaa loo bixiyey Council Tax Support,  qof walbaana waxaa laga qaadayaa oo ceyr qaata boqolkiiba 20%, inta kale ayeey  dowladdu ka bixinaysaa. Tusaale ahaan haddii lagaa shubi jiray lacag dhan  £950.00/ sanadkii waxaad hadda bixinaysaa lacag dhan illaa iyo £200 ama £250/  sanadkiiba.

–   Housing benefit:-  Councilada qaarkood laga bilaabo April 2013 waxaa ay jaryaan lacagta HB haddii  uu qofku kaalmada uu qaataa ay todobaadkiiba ka badato qoysaska £500.00/ per  week qofka kaligaa ahna £350.00 todobaadkiiba. Mar walbaan inta uu dhaqaalihiisa  yahay ayeey qiimeynayaan oo wuxuu xaq u yeesho ayeey siinayaan todobadkiiba.  Sida Haddaba ay magaalooyinka qaar kusoo cadeeyeen waraaqaha aya dadka u soo  direen.

–       Unversal Credit: – universal credit waa system cusub oo waddanka oo dhan ka hirgali doona bisha  October 2013 kaasoo ah in hal meel oo qura uu qofku lacagtiisa ka qaadanayo  taaso meel isugu keenaysa lacagihii tirada badnaa ee meelaha kala duwan ka kala  iman jiray sida Housing benefit, income support, jobseeker allowance, child tax credit iwm.. lacagahaas ma dhici doonaan in ay meelo kala duwan ka kala  yimaadaan oo waxaa leysku oranayaa Universal Credit oo qofka hal mar ayaa loo  soo shubayaa.

–       Universal credit waxa ay suurto gal ka dhigaysaa in qofna ama qoysna uusan  qaadan doonin wax ka badan £500.00/ todobaadkiiba halka qofka kaligaa ahna uu  qaadan doono £350.00/todobaadkiiba.

–       Univeral credit waxaa laga dalban karayaa oo kaliya Online oo ma jireyso meel  aad si toos ah intaad u tagto ka dalbaneyso. Qofku computerka ayuu ka  dalbanayaa.

–       Arintan waxa ay dhiiragalinaysaa in ay dadku shaqo raadsadaan ama qofka waqtiga  yar shaqeeya uu saacadihiisa shaqada kordhiyo si uu u qaato working tax credit.

–       Arimahan aan soo sheegnay waxa ay gaar ku yihiin oo kaliya dadka jooga xilliga  la shaqeysan karo, oo dadka waaweyn iyagu hadda arintan ma quseyneyso.

–       Arintaan waxa ay sameyn weyn ku yeelaneysaa qaasatan dadka degan magaalooyinka  waaweyn sida London oo kale.

–       Sidoo kale waxaa jira benefityo kale oo isbadal ku dhacay iyagana dib baan ka  soo sheegi doono haddii uu Allaha awooda iska leh yiraahdo.

–       Qofkii doonaya Faahfaahin dheeraad ah waxa uu nagala soo xiriiri karaa Somali  Advice and information services (SOMINFOS) Mob 07949900582 ama e-mail saicentadv@yahoo.com.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online