Dowro diini ah oo loo qabtay gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika

March 31, 2013 - Written by Editor

34Waxaa maalintii jimcada ahayd ee ay bisha ahayd 29/03/2013 lagu soo gabagabeeyay magaaladan JOHANNESBURG DOWRO SHARCI AH oo socotay labo maalmood,28-29/03/2013. Dowradaas waxay gaar u ahayd dumarka Soomaaliyeed ee ku dhaqan maagalada JOHANNESBURG ee dalka koofur afrika, waxaana dowradaas cinwaan keedu  ahaa,( KAALINKA GABADHA MUSLIMADA AH  KAGA AADAN DACWADA IYO HORUMARINTA) dowradaas oo lagu qabtay MARKAZKA DACWADA EE AL BAYAAN,  waxaa ka soo qaybgalay dumar aad u farabadan, ayadoo dalka koofur afrika uu ku jiro baryahan fasax, maadaama ay dumarka inta badan ku mashquulaan caruurta marka uu iskuulka furanyahay iyo madaarista, ayadoo fasaxaas lagu soo aadiyay  DOWRADA ayaa waxaa laga soo jeediyay muwduucyo muhim ah oo runtii dumarkii ka soo qaybgalay ay aad ugu bogeen.

Waxaa baxay 4 darsi oo ay kala jeediyeen qaar ka mid ah culimada koofur afrika Darsiga ugu horeeyay waxaa jeediyay SH. CALI IBRAAHIM CALI oo ah madaxa wax barashada ee ALBAYAAN, waxaana uu ahaa cinwaanka darsigaas (TUSAALOOYIN KA MID AH GABDHAHA SAALIIXAADKA) darsigaasna waxaa uu baxay maalintii KHAMIISTA subaxii 4 ilaa 5 saac. Waxaa galay darsigii labaad SH. QORANE CABDI oo asagana soo jeediyay, (XANTA IYO SAAMEENTA AY KU LEEDAHAY QOFKA IYO MUJTAMACA) waxaana uu baxay khamiista 5 saac ilaa 6saac.
Darsiga 3aad oo ahaa darsigii lagalay subaxdii jimcada ahayd, waxaa soo jeediyay SH. C/NAASIR CISMAAN, waxaana uu sheekha ka hadlay (XUQUUQDA DARISKA IYO WANAAG KULA DHAQANKIISA) waxaana darsigaa la galay jimcada 4 saac ilaa 5 saac. Waxaana galay dersiga ugu danbeeyay ee 4aad oo lagalay maalintii jimcada 5saac ilaa 6 saac SH. AXMED MAXAMUUD (AXMED DHEERE) OO AH XOGHAYA GUUD EE majliska albayaan, waxaana uu ahaa cinwaanka darsiigaas afraad, KAALINTA GABDHAHA KAGA AADAN DACWADA IYO HORMARINTA.waxaana si fiican uga faa’iidaystay duruustaas ka baxday dowrada dumarkii soo xaadiray oo runtii ku tilmaamay dowro sharci ah oo aad u heer saraysay, waxayna ka codsadeen dumarka Soomaalida magaalada JOHANNESBURG MAJLISKA ALBAYAAN in dowraadka noocan oo kale la joogteeyo, si kor loogu qaado wacyiga diineed ee dumarka Soomaalida ee dalkan.
Runtii DUMARKA SOOMAALIDA ayaa ah lafdhabarka qoyska Soomaaliyeed, ayagoo kaalin lixaad leh kaga jira horumarinta qoyska dhankasta. Ugu danbaystii waxaa ay aqbaleen gudiga dacwada ee al bayaan ee gobolka GAUTENG in codsiga DUMARKA ee ah in markasta oo fursad la helo dumarka loo faa’iideeyo, waxayna sheegeen in ay tahay waajib saaran CULIMADA IYO DUCAADA dacwada ka shaqeeya ee dalkan
WAXAA DIYAARIYAY
MAXAMED AADAN C/LLE,
MADAXA DACWADA GAUTENG(KOOFUR AFRIKO)
0027834023137.

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online