Dowro Tafsiirka Quraanka ah oo lagu soo gabagabeeyey Johannesburg

March 16, 2013 - Written by

DSC_0327Johannesburg:-Waxaa habeenkii Sabtiga ahaa oo ay bisha ahayd 16-ka lagu soo gabagabeeyay masjidka Imaamu Shaafici ee ku yaalo magaalada Johannesburg dowro socotay mudo bil ah oo ahayd tafsiirka qur,aanka kariimka ah, waxaana dowradaas soo jeedinaayay Sh.Dr Axmed Daahir Aweys oo ka mid ah culimada waaweyn ee soomaalida.

Sh..Dr Axmed Daahir Aweys oo safar dacwaadeed ku joogay dalka Koofur afriko ayaa waxa uu dowradiisaas tafsiirka ah ku akhriyey saddexda suuradood ee kala ah, YUUSUF, HUUD, YUUNUS, waxaana dowaradaas ka faa,iidaystay dad farabadan oo runtii inta uu sheekha joogay soo xaadiraayay dowradaas oo aad ay dadku ugu bogeen, iyadoo sheekha inta uu joogay Koonfur afrika oo ah bil iyo bar uu soo jeediyay muxaadaraad kale duwan oo uu ka galay meelo kale duwan oo ka mid ah dalkan Koonfur afrika.

Sh.Dr Axmed Daahir Aweys ayaa waxaa haddii alle idmo uu ka jeedin doonaa  habeenka Axada ee bisha ay tahay 17/03/2013/ bacdal Maqrib muxaadaradiisa ugu danbeysay waxaana uu ka jeedin doonaa masjidka Imaamu Shaafici ee ku yaalo magaalda Johannesburg.  Dowradaas iyo muxaadaraadka sheekha waxaa soo qabanqaabiyay gudiga dacwada ee gobol ka gauteng ee dalkan Koonfur afrika, oo ka farcama majliska Dacwada islaamka ee Al-Bayaan.  Sh.Dr Axmed Daahir Aweys ayaa safar dacwo ku gaari doono haddii alle idmo dalka Kenya maalinta Talaadada ah.

Madaxa dacwada ee gauteng

Sh Maxamed Aadan , Johannesburg

 

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. masha allah ilaahay hakaa abaal mariyo dr: axmed

Leave a comment

*