Gacan ku dhiigle wax ka fuliyey dilka Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo lagu soo wareejiyey Puntlland

March 13, 2013 - Written by

CaynteGaroowe:-Waxaa saaka lagu wareejiyey dowlada Puntlland mid ka mid ah gacan ku dhiiglayaashiii ka danbeeyey dilkii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ciidanka S/lland ay ku qabteen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, Gacan ku dhiigle Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) ayaa waxaa uu ahaa madaxii maamulayey falkii foosha xumaa ee lagu dilay Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee.

Ciidanka sirdoonka ee S/land ayaa Dhagarqabe Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) ayaa la soo gaarsiiyey  degaanka Tukaraq waxaana lagu wareejiyey  ciidanka Puntlland , ilo wareed ku sugan gudaha Laascaanood  ayaa u xaqiijiyey Halgan.net in  Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) saaka lagu wareejiyey ciidanka  Puntlland.

Ilo wareedkaan  oo uu xiriir la sameeyey mid ka mid ah wariyaasha Halgan.net ayaa waxaa ay u sheegeen in dilka Shiikha loo hayo dad gaaraya ilaa 50 qof oo ay ku jiraan dadkii si toos  ah falka u fuliyey oo inta badan lagu guulaystay in la qabto waxaana ka mid ah dadka haatan gacanta lagu hayo :-

1-       Cabdiraxman Xuseen Jama Bille oo ah ninka masjidka kabaha la soo galay Shiikhana dilay.

2-       Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) oo ahaa madaxii maamulayey falkii dilka ee Shiikh Cabdulqaadir Nuur.

3-       Muuse Ibraahim Mohamed oo Laascaanood gaari uga yimid  si uu u qaado dhagarqabe Cabdullaahi Cismaan Axmed Caynte.

Waxaa kale oo jir rag kale oo ku xiran tuhum oo ay baaris ku socoto kuwaas oo aan weli hellin qaarna aan helnay magacyadooda iyo tiradooda balse markii aan warbixin dhamaystiran na soo gaarsiiyaan Gudiga madax banaan ee loo xilsaaray in ay baaraan dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Ayaan idiin soo gudbin doonaa  hadii alle idmo.

Wasiirka Amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan laamaha amaanka , xilidhibaano ayaa saaka gaaray degaanka Tukaraq waxaan ay kala wareegeen Saraakiil ka tirsan ciidanka S/land Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) oo laga keenay magaalada Hargeysa ee xarunta S/lland.

Wariyaasha Halgan.net ayaa xooga saari doono in akhristayaasha u soo bandhigaan warbixinadii ugu danbeeyey ee ku saabsan cid loo hayo dilka Sh cabduqaadir Nuur Faarax allahu naxariistee.

M_M_Deeq
Halgan.net

13 Comments so far

Leave a comment

  1. waxa kaliya oo nasoocilinkara waa in la laayo gacankudhiiglayaasha.
    culimada laayay ee ah al khawaarij

  2. Waa Alle mahadi mar hadii dhagar qabayaashii gacanta lagusoo dhigay, waxaan filayaa in ina Godane isagana gacanta lagusoo dhigi doono, xaqa ayaa soo qabanaya iyo habarka Muslimiinta, meelkasta oo uu isku qariyo mar aytahayba gacanta ayaa lagusoodhigin

  3. rabbi xamdigiis ka dib waxaa wax lala yaabo ah dadka wax dilaya ama maamulo waa dad yaryar weliba kuwa ay ku tirinayaan iney yihiin laga roonayaal sooma jeestayaal caqligooda hooseeyo dartii,waxaanse shaki ku jirin ninka dadka noocaas ah adeegsanayo inuusan ku dhaamin caqli,aqoon,alle ka cabsi,hadii uu ku dhaamana labo waa mid inuu yahay nin hunguriga meesha la galay oo calooshiis u shaqeysta ah iyo inuu yahay nin ayku adeeganayaan gacmo shisheeyo wax diin ahna aan meesha ku heynin.

  4. sheekh cabdiqaadir rabbi janadii ha geeyo, waa aasaasayaashii dacwada hanaqaadey ee soomalida

  5. illahay waxaan ugarajeyneynaa shuyuukhdeeniii in uu janada ku kulmiyey habeen baan waxaan kuriyooday sh c/qaadir in tuusan dhiman ayagoo islajooga oo waliba sh dr ahmed uu fadhiyo mel markaasna uu uyimi sh c/qaadir illahay ha unaxariistee waxaan allah ugarajeyneynaa in uu allah uu kudaray kuwa kareystay aduunka waxaa khasaaray aduunyo aakhiraba wixii falkaas geystay allah baana laxisaabtamaya…………..

  6. Rabi ayaa mahad ideylkeed lahaaday mar hadii la soo qabtay gacan ku dhiiglayaashii Sheekha dilay. Rabi ha dulleeyo Alshabaab aduun iyo aakhiraba, Rabi ha cirib tiro Alshabaab kuwooda aan hanuun lala damcin, waa in dadka Soomaaliyeed ay manaabirta ka habaaraan Alshabaab.

  7. Annaga oo ah ardaydii iyo asxaabtii dhalinta ahayd ee Sh.Shahid Cabdiqadir Nur Farax waxaan u mahadcelinaynaa maamulka Somaliland, waxaanna hambalyo u direynaa Shacabka Puntland in geeridii shabaab shayaadiin ay taagan tahay hadda.
    Waxaannu umadayada u sheegaynaa in dhiiggii shahiidku uu wali qoyan yahay una baahan yahay wax uga aara Al-shabaab , waxaannu caddaynaynaa in dilka culimada iyo waxgaradku, qarxinta masaajiddu uusan celinayn ardaydii shiikha ayna qabanayaan shabaab shayaadiin meelkasta oo ay galaan.
    Waxaan Alle uga baryaynaa inuu raxmado Shiikha iyo Saaxiibkiis Sh.D Axmed Xaji, waxaan alle ka baryaynaa inuu soo dadajiyo geerida al-shabaab.
    Culimadana waxaaan leenahay noo wada xaqqii aad noo wadeen iyo wadadii aad noo fasheen وجزاكم الله خير الجزاء

  8. الحمد لله والله أكبر ، اللهم هازم الأحزاب إهزم الشباب الشياطين وأذنابهم ، اللهم لاتقر لهم قرار،ولاتجمع لهم شمل ، اللهم أخزهم في الدنيا وأرنا فيهم عجائب قدرتك فإنهم لايعجزونك

  9. xasaan ayaan kamid ah raga kuu dhiira galiyaay in lalaayo culumada

  10. ASCWWR.waa wax lagu farxo dhagarqabayaasha alle haduleeyo waana calaamadaha lagu yaqaan inaysan fakan gooray tahayba .

  11. waxaan ilaahay ka baryayaa in inta dhimana fududeeyo, guud ahaan cidii fekertay,amartay,fududaysay,ka qayb qaadatay laynta culimada awliyaa’u raxmaan in ilaahay muujiyo fadeexeeyo aduun iyo aakhiroba indhaha tuuro sida ay dadak indhaha uga tuureen sida uu ka muujiyey ragii ka qay qaatay dilkii cismaan binu cafaa N N KH waxaa dhacday ragii ka qaybqaatay dilki khaliifka in la helay mid ka mid ah isagoo lugihii iyo gacmihii go’een indhihiina beelay isla markaana durbaan ah ciqaab aduun alle u soo dedejiyey aakhirino mid daran sugayso sidaa ayaan alle ka baryaynaa taariikhduna sidaasay qiraysaa

    • Allaah ha u naxariisto sheekha, waxaa marag ma doonto ah in calaamado badan oo khayr huwan uu kulansaday cidii dishayna shaki malaha inay yihiin cadaw islaam
      Allaahna waxaan ka baryayaa inuu aduunka ku ceebeeyo cadawgaas, Culimadu ha ka digtoonaadeen dhagarta gaalada iyo kuwa u sheqeeya.

Leave a comment

*