Garoowe oo Sh.C/qaadir Nuur Faarax ka maqanyahay W/Q Xassan Maxamed Ibrahim

March 12, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Boosaaso:-Waxaa caado ii ahaan jirtay sida badan inaan sheekh c/qaadir Nuur Faarax la kulmo ama booqdo mar kasta oo aan magaalada Garoowe socdaal ku maro, haddii aan magaalada ku ekahay iyo haddii aan sii dhaafayaba, sida badannna gurigiisa ayaan ku soo salaami jiray, mararka qaarna goobta uu xilligaas aan magaaalada marayo ku suganyahay ayaan ugu tagi jiray, waxaana sii xusuustaa maalin aan masjidka al hudaa ugu tagay isaga oo sharxaya saxiix al bukhaari, oo aan majliskiisii ku salaamay ka dibna  aan sii maca salaameeyay safarkaygiina sii watay.

Aad baan u jeclaa sheekha la kulankiisa mar walbana waxaa iiga kordhi jiray faa’iido cilmi ah ama khibrad iyo waaya aragnimadii uu ka soo kasbaday dacwada uu cimrigiisii intii badneyd u taagnaa, salaanta ka dib iyo ka wareysiga caafimaadkiisa waxaan mar walba la wadaagi jiray hammiga iyo waayaha dacwada, waxaana mar walba xamaas iyo han wax qabad igu abuuri jiray dadaalka iyo qiirada sheekha.

Socdaalkii ka horreeyay socdaalkii iigu danbeeyay e aan magaalada garoowe ku imaaddo sheekha ayaan wada soconnay alle ha u naxariistee annaga oo socdaal kaga nimid magaalada hargeysa oo aan kaga soo qayb galnay kulan lagu aasaasayay dallad kulmisa macaahidda islaamiga ah ee ku yaalla soomaaliya qaybeheeda kala duwan, safarkaas oo aan sheekha gaadhi wada saarneyn oo ay nagu weheliyeen sh. Axmad c/samad injineer faarax maxaamd xirsi iyo injineer jaamaca c/llaahi caydiid, wuxuu sheekhu si waalidnimo leh noogu tirtirsinayay inaan dacwada iyo horumarinteeda u soo jeedsanno oo jiilkayagu uu u diyaar garoobo sidii uu jiilkii sheekhu ka midka ahaa xilka dacwada iyo masuuliyaddeeda ugala wareegi lahaa, isaga oo mar walba muujinayay inuu ku kalsoonyahay in dacwadu ayna gablan aheyn dadkii ay soo saartayna ay ku filanyihiin in ay dacwada hoggaamiyaan si fiicanna u meel mariyaan.

Socdaalkii iigu danbeeyayna sheekha waxkhti dheer ayaan isu helnay howlo dacwadeed oo kala duwan ayaana ka wada qayb galnay,maanta markii aan magaalada soo galeyna waxaa igu sii cuslaaday xanuunkii uu ii gaystay dilkii sheekhu waxaana dib u gocday qiimihii uu sheekhu u lahaa dacwada deegaanadan si gaar ah iyo dacwada soomaaliyeedba si guud, waxaan tabay hadalladii cilmiga iyo xikmadda ku qotomay ee aan mar walba kala kulmi jiray,waxay nafteydu qaayibi wayday in socodkaygan aana sheekh c/qaadir la kulmi doonin goobihii gurigiisu ka midka ahaa ee aan ku arki jirayna aan maanta sheekh c/qaadir laga raadineynin ee uu jiifo iilka qabri ku yaalla qubuuraha khayr seexay ee duleedka magaalada garoowe.

Waxaad I mooddaa inaan magaalda qariib ku ahay mar haddii aan sheekh c/qaadir ka waayay, waxaadna mooddaa in magaalada lafteedu qariib igu noqotay maxaa yeelay sheekhu alle ha u naxariistee wuxuu ahaa tilmaanta ugu caansan ee magaalada lagu soo beegsado, in maanta magaalada laga waayana waxay la mid tahay in astaamihii magaalada lagu tilmaansan jiray qayb muhiim ahi ka maqantahay.

Hammi iyo xusuus dheer ka dib waxaan garwaaqsay in sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee uu dacwada soomaaliyeed gaar ahaan magaalada garoowe kaga tagay raad lama illaawaan ah oo ka marag furi doona aakhiro iyo adduunba wax qabadkiisii iyo sida aanu waxba u hagranin,laguna sii xusuusnaan doono shakhsiyaddiisii iyo nafcigii uu umadda u lahaa, alle ha u naxariistee.

Waxaan niyadda u sheegay in  maqnaanshaha sheekh c/abdi qaadir aanu macnihiisu aheyn in wax tarkiisii maqanyahay ama dhammaaday, maxaa yeelay gees kasta oo aad ka marto garoowe waxaad ku arki doontaa  mashruuc umaddu u ¨hayday oo uu sheekhu alle ha u naxariistee aasaaskiisa lahaa, waxaa ishaydu qabatay markaan soo galayba masjidka al hudaa oo uu sheekhu udub dhexaad u ahaa dhismihiisa maantana ah calaamadda lagu tilmaansado magaalada garoowe ahna qalbiga magaaladu ka nooshahay sheekhuna bulshaha kala hadli jiray duruustana ka akhriyi jiray.

Masjidka al hudaa waxaa dabaqiisa saddexaad ku yaalla machadka al hudaa oo sheekhu sidoo kale udub dhexaad u ahaa aasaaskiisa, inuu fikradda iyo abaabulka lahaa ka sakow wuxuu ka mid ahaa dadkii wax ka bixiyay lacaghii machadka aasaaskiisii loogu tabarrucay, waxaana wali sii xusustaa sidii uu maalintaas sheekhu ugu farxay tabarrucaadkii goobtaas lagaga yaboohay oo aan goobjoog ka ahaa , ilaahay sheekha iyo walaalihii kaleba ha ka abaal mariyo camalkaas khayrka ah ee ay hantidooda ku hirgaliyeen.

Sidoo kale wuxuu sheekhu wax ka aasaasay – gurigiisana la daris ah- machadka dumarka ee khadiija in badanna uu duruus ka jeediyay, ka hor macaahiddanna wuxuu sheekhu soo aasaasay madrasada al waaxa oo ah midda ugu caansan uguna wax soo saarka badan magaalada garoowe, ka dibna wuxuu sheekhu kaalin muuqata ku lahaa aasaaskii jaamacadda bariga afrika guud ahaan iyo faraca garoowe gaar ahaan, waxaana sheekha la dilay isaga oo madax u ah guddiga aasaasayaasha ee jaamacadda barika afrika oo ilaa lix farac ku leh magaalooyinka qardho, garoowe, gaalkacyo, galdogob, laacaanood, buuhoodle iyo ceerigaabo, waxaana  intaas sii dheer xarunta boosaaso oo asalkii ah,ardayda jaamacadda sanadkan dhigatana waxaa lagu qiyaasay ilaa 2500 oo arday waxaana horay uga qalin jabiyay kumanyaal maanta ka shaqeeya howlo badan oo umaddu u baahantahay.

Sidoo kale waxaa walwalkii iga yaraaday markaan xusuustay in sheekhu ka tagay rag xilkas ah oo awdi doona furintii uu banneeyay inshaa allaah, iyaga oo ka tilmaan qaadanaya aqoontii ay sheekha ka dhaxleen iyo dardaaranadii uu uga tagay, sheekha raadka ka hadhay inta aan soo sheegnay kaliya kuma koobna ee wuxuu raad muuqda kaga tagay dhammaanba dacwada islaamiga ah ee soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in aan la waayi doonin rag u qalin qaada in ay wax ka qoraan taariikhdii dacwadeed ee sheekha iyo raadka wanaagsan ee uu ka tagay alle ha u naxariistee.

Ilaahay sheekh c/qaadir ha u naxariisto waajibkii saarnaa intii tabartiisa ah wuu gutay waxaase howli ku hadhay dadkii wax ka bartay oo laga rabaa in ay xilkii uu umadda u hayay halkiisii ka sii wadaan:

 

 W/Q Xassan Maxamuud Ibrahim Abu Xassan

Halgan.net, Boosaaso

 

6 Comments so far

Leave a comment

  1. alaah yarxam imaamu shahiid c/dulqaadir nuur shiikh caalim ah ayuu ahaa
    kitaabka toowxiidka iyo bukhaariga shiikhii uga horeeyey ee xamr ka bilaabay buu ahaa daaci dulqaad badan ayuu ahaa hamigiisuna yahay caqiida saafi ah in ay soomalidu helaan magaalooyinka xamr nayroobi garoowe kismaayo boosaso hargaysa jabuuti iyo meelo kle oo badan ayuu dinta islaamka ka faa’fiyey doowrkiisi wuu gutay jazahulaah khyer .
    waxaa inala gudboon haadii aan ardadiisi nahay si dii aan u siiwadilahayn
    faafinta dinta islamaka iyo sidii aan uga hortagilahyn khaawarijta
    ilaahoow halaag intii soo maleegtay dilka shiikha anaga gadaashis hana fidnayn

  2. جزاك اللّه خيرا ياشيخنا أبو حسّانو وكثراللّه أمثالك قى أمّتنا النّبيلة
    إنّ العين لتدمع وإنّ القلب ليحزن ولانقول إلّامايرضى ربّناوإنّالفراق الدّاعبة والمربّى شيخ عبدالقادر لمحزونون
    اللّهم ارفع مقامه واجعله فى الفردوس الأعلى
    وبارك لنا فيما ترك من إرث النّبوّة من العلم والّرجال الّذين تربّوا فى مدرسته
    آمينــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

  3. jazaakalah shiikh abuu xasaan runtii shiikhii al muxadis c/qulqaadir nuur afaarx caleyhi raxmatulaah waa gutay waajibkiisii waa la xasuustaa duruustii uu ka kahrinjiray ceel hid sida tafsiirka qur’aanka ka riimka bukhaari mislim iyo sunanta iyo dhaman diinta iskamaka qaybeheda ka la duwan shiikhi waa dadalay dacwadan salfka ee barakaysan isaga udubdhexaad u ahaa waa loo xiray waa loo masafiriyey mana u jixnjixin ilaa isagoo salaad tukanaya gacan ka xaqdaran dishiay waxaa la gudboon ardadiisa shiikha in ay meeshii ka siiwadaan oo aan laga biqin khawaarijta loo soo diray deminta alah haw naxariisto imaam shikkhu shahiid c/dulqaadir nuur faarx jazaalu canaa kheyran macalin wanaagsan ayuu ahaaa

  4. Jazaakallaah Sheykhanaa wa akhuuna al faadil, walaahi intaan maqaalka akhrinayay ayaan xusuus dheer u galay aqoontii aan sheekha u lahaa waxaana sidaad sheegtay oo kale ee igu soo celisay murugo horle balse waxaan aad ugu niyad qabowsaday athaartaas khayrka badan ee sheekheenu ka tagay Ilaahay naxariistii janno ha siiyee,aamiin.

  5. Waa qoraal fiican.. Qiirana leh.. waxaan dhageestay culuma maanta nool oo ka shekeenayo oo dhahaayo aniga kitaab hebla ayaan ka aqristay… Waxaan kaloo dhageestay sheakh cabdiraxmaan bashiir oo leh sheakha maruu jabuuti 2sano sheakh ka ahaa waxaan ka mid ahaa ardaydi uu sheakha gacanta ku haaye kutubta towxiid u bilaabay.. Markaas baan isheen waaaye oo ilmada qubatay waxaaan taminiyay sheakh cabdulqaadir inaa arday u noqonlaa oo wax kaqaadanlahaa balse allah maqadarin allah ha u naxariisto

  6. Sh Abuu Xassaan jazaakallaahu khayran,
    runtii illin baa igu soo istaagtay markaan qoraalkaan dhexda marinayay sida murugda leh ee aad uga sheekaysay wanaagii shiikha,waxaanse ku niyad qaboobay inuu RIJAAL aad safka hore uga jirtid uu ka tagay,
    waxaanse mar kale aad uga murugooday sida iyo heerka uu gaarsiisanyahay qallooca iyo dhumitaanka wiilasha Shiikha Miizaankaas leh dilay.ilaahow hadaad hanuun u qortay soo hanuuni hadii kalana ciqaab deg deg ah ka muuji oo ummada uga raaxee, aamiin Sh Abuu Xassaan mar kale khayr badan ALLAAH ha ku siiyo adiga iyo raga kale ee culimada ahna ha u fududeeyo taarikhda looga tagay, aamiin

    Waxaan qiyaasay Sh Abuu Xassaan qoraalkaan asagoo aad u murugaysan inuu qoray, aad iyo buu MUCABBIR u yahay
    waxaanse is leeyahay KALAAM ALQULUUB YASIL ILAA ALQULUUB Jazakallaahu khayran miraaran wa tikraaran

Leave a comment

*