Iska horimaad hubeysan oo xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

March 21, 2013 - Written by

GaalkacyoGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegay in xalay kooxo hubeysan uu iska horimaad ku dhexmaray koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana ku dhintay iska horimaadka ugu yaraan laba qof halka ay qaar kale ku dhaawacmeen.

Taliyaha booliska Galmudug, Cabdi Xasan Qooreey ayaa waxaa uu xaqiijiyey in ay jiraan laba koox oo ku dagaalamay xalay koonfurta magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in ay wadaan baaritaan .

Laba Maleeshiyaad ee xalay ku dagaalantay koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa la aqoon cida ay ka amarqaataan iyo wax uu salka ku hayo dagaalkooda .

Goobjooge ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta ka howlgasha Muqdisho u sheegay in xalay saacada markay ahayd 10:30 habeenimo ay maqleen rasaas culus oo ay isku ridayaan laba kooxood wuxuuna sheegay in laba qof dhimatay 4 kalana ay dhaawacmeen.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online