Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Abubakar Sadiiq dilka iyo Dhiiga culumada (Video +Cod)

March 5, 2013 - Written by

UmalNairobi:-Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa maanta  mar kale  ka hadlay in hadaf ka dhigashada Culimada ay tahay fitnada ugu daran ee dalka soo martay.Sh. Umal oo Jimcadii hore bilaabay khudbo uu uga hadlayo khatarta ay leedahay in hadaf laga dhigto dhiigga Culimada, ayaa maanta qeybta labaad halkiisii ka sii waday.

Muhiimadda Culimada

Sheekha ayaa sheegay in Culimada ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee bulshada, isagoona carrabka ku adkeeyey in dhimashooda ay tahay dhimashada Cilmiga iyo weliba dhimashada umadda.

Jihaadka iyo dhiigga Culimada

Sheekha ayaa sheegay in Jihaadku yahay mid lagu kor yeelo kalmadda Illaahay, isla markaasna lagu ilaaliyo nafta iyo sharafta Muslimiinta, isagoona intaas ku daray inuusan Jihaad Illaahay aheyn mid dhiigga Muslimiinta lagu baneysanayo.

Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa sheegay dhiigga dadka Muslimiinta ah ay aad u xormeysay shareecada Islaamka, wuxuuna tusaalayaal u soo qaatay Saxaabo ku khaldantay dad Islaamka qiray, kuwaasoo Nabigu NNKH uu meel adag iska taagay.

Sheekha, ayaa sheegay inay tahay wax aad looga fajaco in la fatwoodo, lana fuliyo dhiig qof Caalim ah oo diinta Islaamka barashadeeda iyo u adeegiddeeda ku cirroobay, wuxuuna sidoo kale wax laga muruguudo ku tilmaamay inay dad ku farxaan leynta Culimada.

Halkan ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Sh Maxamed Cabdi Umal dilka iyo Dhiiga Culumada

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/upxwpdv0iw/khudbadi_jimcaha_sh_maxamed_umal_kadigitaanka_dhiiga_culumada.mp3″] Ama  Halkan Mp3

Ugu dambeyntii Sheekha, ayaa sheegay in Khudbadu sii socon doonto, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in qof Imaan ku jiro uusan ku dhiirran karin inuu u bareero dhiig qof Caalim ah.

Hoos Ka Daawo Khudbadii Jimcaha ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal uga hadlay dilka culumada iyo dhiiga muslinka.

Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. ILAAHAY HAKU BARAKEEYO HANAKUXAFIDO

  2. sheekha waxaan leenahay alaah hakudhowro sidaa noogu cadeeya xaqa dhamaan culimada soomaaliyeedna waxan leenahay sidaa sh/umal xaqa ucadeeya.

  3. Mashalaah! rabi hana waafajiyo towfiiqda adna rabi xasaad hakaasiiyo

  4. ALLAAH YAXFADKA SHEIKH MOHAMED ABDI UMAL. MARKASTA WAXAA U TAAGANTAHY SIDAA U BAD BAADIN LAHEED SHACABKA SOMAALIYED EE MUSLIMIINTA WADA AH. LKN WAXAA JIRA DAD AANBA KA DHAXEEN SHACABKA MUSLINKA AHI, DILKOODA RAADSANAYA SIDE KU XALAALESAN LAHAAYEEN. ALLAH HA U GARGAARO SHACABKA SOMALIYEED EE MUSLINKA AH, DHIBAATADANA ALLAAH HAKA DUL QAADO

  5. mansha allah ilahay ano dayo shekh wax run ah ayu kahadlaya wayahan danbe dhiga muslimata aya laxalashayday khasatan culimada rabaniyinta marka dadka culimada laynaya ilahay dadka haka qabto insha allah dhalinta ha logadigo

Leave a comment

*