Khudbadii Jimce ee Masjidka Abu bakar ee magaalada Nairobi.[Dhagayso]

March 8, 2013 - Written by

UmalNairobi:-Sheekh. Maxamed Umal oo maanta khudbadii Jimcaha ka akhrinayey masaajidka Abuu Bakar ee xaafadda Islii, ayaa sii waday mowduucii uu horey uga hadlayey ee ka digidda dhiigga Muslimka guud ahaan, gaar ahaan Culimada. Sheekha, ayaa sheegay in dadka Culimada hadafka ka dhigta ay meel xun ku dambeeyaan, taariikhduna sidaas sheegeyso, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in saddex qolo ay Culimada hadaf ka dhigtaan, kuwaasoo kala ah:-

1- Gaalo Ilaah iyo Rasuul ka furatay.

2- Munaafiqiin  Islaamka isku dhex qarinaya.

3- Muslim waddo qaloocan raacay oo maan gaab ah.

Sheekha, ayaa sheegay in taariikhda Islaamka ay soo martay in Hoggaanka umadda hadaf laga dhigto, isagoona tusaalayaal u soo qaatay Khulufadii Hanuun saneyd ee 4 ta ahaa, kuwaasoo saddex ka mid ah ay dileen 3da qolo ee Culimada hadafka ka dhigata. Sh. Umal. ayaa sheegay in Cumar Ina Khadaab la dilay isagoo salaad subax tukanaya, wuxuuna Sheekhu intaas ku daray inay isu eg yihiin falkaas iyo kuwa hadda Culimada lagu leynayo.

Cuthmaan Ina Cafaan, ayuu sidoo kale Sheekhu soo qaatay, wuxuuna ka sheekeeyey sidii loo dilay, iyo waxa ay ku andacoonayeen qolyihii dilay, isagoona wax lala yaabo ku tilmaamay in qolyihii Cuthmaan dilay ay lahaayeen ” waxaad tahay cadow Illaahay” marka uu halkaas maranayona wuxuu barbar dhagay wax yaabaha hadda Culimada loogu marmarsiyoodo.

Ugu dambeyntii Sheekha, ayaa sheegay in dadka Culimada dhiiggooda baneynaya ee dhahaya meel walba waa lagu dili karaa, qofkii dila waa Mujaahid, iyo waxyaabo kale, iyo kuwa gacantooda ku dilaya, ay meel xun ku dambeyn doonaan sida horey loo soo arkay.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee Masjidka Abu bakar  Sh Umal

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/1gmouxx8w1/khudboumal.mp3″] Halkaan ka Dhagayso Mp3

Halgan.net/somalireal.com

3 Comments so far

Leave a comment

  1. maanta ayaa lalahelay habaarkii ugu dan beeyey
    shekh xassaan

  2. maa shaa alaah sheeikh mohamed abdi umal ale hanoo xifdiyo cimrigiisana ale hanoo barakeeyo cadowgana ale hakaqabto amiin?

  3. su,aal weyn ayaan ka qabaa maxaa shaydhaanka fatwada suurka la fadhiyo daarul xadiith iyo inta u camirto majliska loo qabanwaayey,teeda kale ilaa 2000kii waxaan joogey nairobi mana maqli jirin sharle xassaan marka hala iiga jawaabo ninkii wax ka garanayo ibliiskaa goormuu soo galay saaxada dacwada”? goormuu gaaray inuu fatwoodo? waxaan garanayaa anigoo yar oo ceelhindi xamar casharo ka qaado rag waagaa culimo ahaa oo weli ka baqayo iney ku fududaataan fadwada.

Leave a comment

*