Khudbadii Jimce ee Sh Umal ka jeediyey Masjidka Abubakar ee magaalada Nairobi.[Dhagayso]

March 15, 2013 - Written by

UmalNairobi:-Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa maanta mar kale ka hadlay in hadaf ka dhigashada Culimada ay tahay fitnada ugu daran ee dalka soo martay.Sh. Umal oo Jimcadii hore bilaabay khudbo uu uga hadlayo khatarta ay leedahay in hadaf laga dhigto dhiigga Culimada, ayaa maanta qeybta 4aad halkiisii ka sii waday. Sheekha ayaa sheegay in Culimada ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee bulshada, isagoona carrabka ku adkeeyey in dhimashooda ay tahay dhimashada Cilmiga iyo weliba dhimashada umadda kuwa beegsadana ay yihiin ilaa saddex qolo:-

1- Gaalo iyo kuwa u shaqeeya.

2- Munaafiq Gaalinamadiisa qarsanaya.

3- Kuwa raacay jidkii Khawaarijta ee garab marsan jidkii Ahlusunaha

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu tusaale is barbardhig ah ku sameeyey qaabkii ay kooxdii khawaarijta ee dilay Cali Ibnu Abudhalib, iyo Cuthman Ibnu Cafaan alla ka raali noqdee ay ahaayeen iyo kuwa maanta dila culimada iyo umada haldoorkooda kuwa  sheeganaya in ay diinta alle kor yeelayaan.

Sh Umal ayaa xusay in xiliga ay Khawaarijtu dilayeen Cali Ibnu Abudhalib, iyo Cuthman Ibnu Cafaan alla ka raali noqdee uu midna ku dhex jiray Salaad halka kan kalena uu u socday salaadii Subax  Alle isku ekaa ficilka gurac ee Khawaarijta waqti walba iyo sheegashooyinkooda beenta ah.

Sheekh Umal ayaa sheegay in Jihaadku yahay mid lagu kor yeelo kalmadda Illaahay, isla markaasna lagu ilaaliyo nafta iyo sharafta Muslimiinta, isagoona intaas ku daray inuusan Jihaad Illaahay aheyn mid dhiigga Muslimiinta lagu baneysanayo culimadoodeena lagu laayo.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Sh Umal ee maanta uu ka jeediyey Masjidka Abubakar ee magaalada Nairobi

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/b2cc5abud8/umal3.mp3″] Ama Halkan Mp3
Halgan.net

17 Comments so far

Leave a comment

  1. maan shaa allaah ilaahay hanagu anfaco. sheekhana illaahay ajri iyo xasanaad hakasiiyo illaahy hanoo xifdiyo culumada.

  2. Allah SW ajar iyo abaal aan la soo koobi karin ka siiyo khudbadaa qiimiga badan. Waxaan kaloo Allah SW weydiisaneynaa inuu noo ilaaliyo Culumada bi’idni Allah.

  3. Waxaa mahad iskale alle subxaana watacalaa ilaahay sheikha ajar iyo xasnaad hasiiyo aakhirana janadii fardowsa alle haka waraabiyo walaalah halgan iyagana ajar iyo xasanaad alle hasiiyo marwaba kheyrka ayey kashaqeeyaan …..

  4. Asc
    Waxan sheikh Maxmamed iyo qayerkiisba inuu ilaahay xifdiyo kana ilaaliyo kuwa xalaalaystay dhiiga muslimiinta gaar ahaan culumada

  5. ALAAH hanoo xafido culimada utaagan xaqa cadayntisa o ukamid yahay sh mohamed abdi umal

  6. Asc wr wrbr. Maashaa alaah ilaahay tabaaraka waxaan waydiisanaynaa inuu xifdiyo sheikha Umal iyo dhamaan kuwa lamidka ah, ajarna kasiiyo xaqa ay cadaynayaan, anakana hanagu anfaco amiin………. intaas kadib waxaan amaan iyo bogaadin usoo jeedinayaa walaaha halgan.net iyo siday ayakuna ugu guntadeen soo gudbinta xaqaas culimadu kahadlayso, waxaadna ogaataan in qof waliba uu islaamka uyahay laban ama dhaxag meel kujira tiinii waad kasoo baxdeen jazaakumulaahu khayr adinka iyo dadkii idin kala qayb qaatay. wsc wr wbr.

  7. alaaan kudhaartee markaan sheekh umal dhagaysto waxaa igusoodhaca oon soo xusuustaa kuwii alle u nicmeeyey ee u ugu horeeyo nebiga scw iyo saxaabadiisa iyo salafkii alow noo xifdi culumada oo nooga xifdi gacanta khawaarijta iyo sanaadiqada iyo kufaarta aamiin yaa rabi

  8. ASC AJAR IYO XASANAAD ALLAH HAKA SIIYO SH MAXAMAD CABDI

  9. mansha allah allah haxifdiyo sh umal iyo cidkasta oo xaqashegta amiin yaa allah

  10. maashaa alaah ale hanoo xifdoyo culimada toosan
    inta khaldana rabi umada haka qabto insha alaah
    rabina ha nagu anfaco kalmadaahaa qiimiga badan
    eeuu xafadahulaah sh/mohamed abdi umal uu soo
    jeediyay insha alaah

  11. allahuma amiin shekha ducadisa allaha no aqblo dhamanten asagana illah ajar weyn ha kusiyo faidoyin badan ayan ka helney kuwi wax ku qata allaha naga dhigo watu alle swt ku yiri qurankisa karimka (wataciyaha udunuu waciyah)kuwa sharwadayasha ahna allaha ka qabto culimada kherka no wada &dhaman umuda somaaliyedba.

  12. MASHA ALLAAH SHEIKHA ALAAH HA XIFDIYO QOFKII ALAAH HANUUNIYO AYAA HANUUNSAMA, ALLAAH HANUUNKA HA NA WAAFAJIYO, AMIN

  13. asc masha allah ilaah ha xifdiyo sh.umala iyo culimada la midka ah ee diinta ka run sheegay ilaah ajar haka siiyo qeyrka ay umada barayaan aamiin

  14. Asc Allah s.w waxaan waydiisaneynaa in uu culumada rabbaaniyiinta ah inoo xifdiyo oo ay kamid yihiin Sh. Umal, Sh. Shibile iyo Culumada Ictisaam iyo kuwa Somaliyed oon fududeysan dhiiga Muslimiinta iyo Culumadooda!

    waxaan waydiisanayaa walaalaha maamulka Halgan.net fadlan soo galiya qodbada Sheekh Umal oo ah Mp3 format.

  15. mashaa alaah alaah hanagu anfaco kuwa kufidnaysan dhiiga muslimiinta iyokhaasada umada culumada alaah haku anfaco hadaan hanuun looqorina alaah hanaga qabto

  16. scww ilaahay ha xifdiyo shiikha ajar iyo xasanaadna ha kasiiyo xaqa uu umada u sheegayo ee uu u cadaynayo hana badbaadiyo ilaahayna haynagu anfaco inta sharta wadana shartooda ilaahay haku celiyo amiin amiin

  17. masha alaahu alaahum xafid sheikhen iyo dhaman culumaden aamiin

Leave a comment

*