Kulan muhiim ah oo ay yeesheen Ducaada Johannesburg iyo Gudiga Dacwada ee Johannesburg

March 25, 2013 - Written by

Johannesburg:-Waxaa maalintii axada oo bisha ay ahayd 24/03/2013 kulan ku yeeshay Markazka Dacwada ee Al-bayaan ee Johannesburg gudiga dacwda iyo qaar ka mid ah ducaada magaalada JOHANNESBURG ee dalkan Koonfur afrika. Kulankan oo ahaa kii labaad ee ay ku kul maan gudiga iyo ducaada tan iyo intii la soo dhisay gudigan cusub oo uu howlgalay bisha feberaayo,

Kulanka waxaa uu ku saabsanaa in gudiga dacwada ay warbixin ka siiyaan ducaada magaalada waxqabadkii bishii ugu danbaysay ee gudiga dacwda ku talaabsaday, iyo in gudiga uu ka dhagaysto ducaada talooyinka iyo tusaalaha ay ku hormarinayaan dacwada wadankan Koonfur afrika,  gaar ahaan magaaladan Johannesburg, waxaa ugu horayntii ku furay xaflada qur,aan  macalim Saxane oo ka mid ah macalimiinta madarasada al bayaan, ka dib waxaa kalimad xasuusin ah oo si gaar ah uga hadlaysay isukaashiga dacwada iyo dhiiri gelinba isugu jirtay soo jeediyay Sh. Qaasim Cabdi Hayaan oo ka mid ah gudiga dacwada ee gobolka ay ku taalo Johannesburg ee Gauteng.

Waxaa intaas ka dib warkii qaatay Sh. Maxamed Aadan  C/lle oo ah madaxa dacwada gobolka Gauteng (koofur afriko) oo soo bandhigay wax qabadkii u suurtaglay mudadii koobneyd ee ay shaqaynaayeen, waxaana uu si aad ah ugu mahadnaqay sheekha ducaada oo uu sheegay in waxa u qabsoomay ee horumarka dacwada allah ka sakoow ay ayaga iskaashigooda uu sabab u yahay, waxaana uu soo bandhigay  qorsha dacwiga ah ee usbuucyada iyo bilaha soo socada oo ay ka mid yihiin dowraad loo qaban doono, dumarka, raga, iyo ardayda iskuulada, maadaama xiligan lagu jiro fasax dalkan, ayna fasax yishii iskuulada

Waxaa hadalkii u wareegay ducaadii isugu timid kulanka oo runtii si aad ah u soo dhawaysay waxqabadkii gudiga dacwada, islamarkaasna soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo lagu hormarinaayo dacwada wadankan gaar ahaan magaalada  JOHANNESBURG.Waxaa ugu danbays soo xiray fadhigii AMIIRKA guud ee majliska dacwada EE AL BAYAAN Sh. Xassan Guure, oo tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay kulankan noocaan ah uuna codsaday in kulamada noocaan oo kala ah oo looga hadlaayo dacawada ay noqdaan kuwo soo noqnoqda si  afkaar is dhaafsiga dacwada ku saabsan u bato, markaasna waxaa soo yaraanaayo ayuu yiri SH. XASAN caqbadaha dacwada hortaagan, waxaana lagu balamay in 6dii usbuuc ama 7dii usbuucba mar kulankan oo kale uu qabsoomo,

Kulanka waxaa daadihinaayay MACAILM CALI IBRAAHIM CALI oo ah ku xigaha gudoomiyaha dacwada gobolka GAUTENG iyo madaxa tacliimta EE AL BAYAAN.Waxaana goob joog ka ahaa fadhigan, SH QORANE, SH.C/SAMAD, SH. AXMED DHEERE, oo dhamaan ka tirsan majliska sare ee dacwada ee AL BAYAAN.
Waxaa diyaariyay gudoomiyaha dacwada gobolka
GAUTENG(KOOFUR AFRIKO)

MAXAMED AADAN C/LLE 
JOHANNESBURG   0027834023137

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online