Madaxweynaha DFS oo Booqday Wasaaradda G/dhiga iyo Villa Baydhabo

March 24, 2013 - Written by

IMG_4513Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Mudane Xasan Shiikh ayaa kormeer guud ku tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Xarunta Taliska Xoogga Dalka ee Villa Baydhabo.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa Gobolka Banaadir ku aadan maanta ayaa soo indha indheeyey xaaladda guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas oo uu kula kulmay Saraakiisha iyo qaar ka mid ah ciidanka xoogga Dalka.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa mar uu la hadlayey Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay inay dhowraan sadexda wax ee ay ku dhaartaan oo ah Dalka, Diinta iyo Dadka.

no images were found

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in Ciidanku uu dhowro Asluubta iyo Anshaxa Xoogga Dalka wuxuuna sheegay in Ahmiyadda koowaad ee dowladdu ay tahay Amniga dalka lagana doonayo Ciidanka Xoogga inay keenaan.

“U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo. Cidina kama sareyso Sharciga. Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lala keenayaa Sarkaalkiisa”

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan dowladi jiri Karin Amni la’aan, “Waana inaan si wadajir ah oo iskuduubni leh u difaacnaa Dalkeena, kana caabinna Cadowga gudaha iyo Dibadaba”

“Isbedelka Ciidankeena waad garan kartaan, Shalay maanta ayaan ka fiicanahay, Berrina Guul waarta ayaan gaareynaa Insha Allah”

Communication Office
Office
the Somali President.
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online