Madaxweynaha DFS oo Fariin u diray Shacabweynaha Soomaaliyeed (Daawo)

March 5, 2013 - Written by

xasanQadar:-Madaxweyna Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Fariin u diray Shacabweynaha Soomaaliyeed meel Walba ay joogaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Caalamka usoo jeestay Soomaaliya ayna Wax badan la Qaban karaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku Booriyay in ay Mar walba Sugin Gacansiinta Wadamada kale ee iyaga uun isku tashadaan, marka ay Dadka Soomaaliyeed isku Tashadaan ay sii Kordhayso gacansiinta Wadamada Caalamka ay Soomaaliya Gacan siinayaan.

Ugu Dambeentii Madaxweynaha ayaa Fariintiisa ka Codsaday in xoogga la saaaro sidii loo hirgalin lahaa waxa Soomaalidu dhamaandeed isku raacsan yihiin oo ay ka midka tahay ka shaqeynta Nadabadda, Dowladnimada, iyo Federaalka IWM.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

1 Comment so far

Leave a comment

  1. The future looks bright. There will be some big doors opening in the four years a head Insha alah.
    Well done Mr President!

Leave a comment

*