Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Amiir dalka Qadar (Daawo)

March 4, 2013 - Written by

DSC_0843Qadar:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta la kulmay Amiirka Qadar Amiir Hamad bin Khalifah Al Thani. Madaxweynaha safarkiisa ayaa muhiimadiisu tahay iskaashi guud oo dhan walba ah oo dhex mara Soomaaliya iyo Qadar.

Kulanka maanta ayaa waxaa qeyb ka ahaa Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar Ambassador Cumar Sh. Cali Idriis ,Taliyaha Nabadsugidda Axmed Macallin Fiqi, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Kamaal Daahir Xassan Guutaale.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amiirka sida sharafta leh ee uu usoo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya. Sidoo kale Madaxeynaha ayaa ku aamanay Amiirka Qadar horumarka ay ka gaartay xagga Dhismaha iyo Wax barashadda oo hogaankiisa wanaagsan ku timid.

no images were found

Intaas kadib, Madaxeynaha ayaa uga warbixiyay xaaladda cusub ee ka jirta Soomaaliya, iyo muhiimadda dib-u heshiisiinta iyo Midnimadda Soomaliyeed.

“Iskaashi heer sare iyo in wadajir labadda dal ay u shaqeeyaan waa muhiim waana lama huraan” ayuu yiri Madaxweyne Xassan. Labada masuul iyo wasiirada labadda dal ayaa ka hadlay qaabkii Soomaaliya loo kabi lahaa xagga dhaqaalaha iyo in deynta Soomaaliya lagu leeyahay wax looga qabto si Soomaaliya ay uga mid noqoto hay’adaha Caalamiga Maaliyadda.

Mar uu ka hadlay “Lixda Tiir Siyaasadeed” Madaxweynuhu wuxuu yiri “Isbedel iyo Rajo Wanaag ayaa Soomaaliya ka jira, maalgelin yarna saameyn weyn ayey keeneysaa.”

Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar ayaa Madaxweynaha iyo Amiirku ay si weyn uga hadleen kulankan.Dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Beesha Caalamka ayaa qeyb ka ah dowladda Soomaaliya qorshaheeda.Ugu danbeyntii labada masuul ayaa isku raacay dhamaan arimihii laga wada hadlay.

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir
Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta
Villa, Somalia, Muqdisho,
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online