Mareykayka oo lacago dul dhigay Abuu-Mansuur Al-Amriiki iyo Jehad Mostafa

March 21, 2013 - Written by

calanMuqdisho:-Dowlada Mareykayka ayaa mar kale  lacago lagu dul dhigay madaxa laba ruux oo u dhashay dalka Mareykanka kuwaas oo ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya kana barbar dagaalama Ururka Al-shabaab.

Labadan Ruux ayaa waxaa ay kala yihiin Cumar Shariif Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki iyo Jehad Mostafa waxaana ay dowlada Mareykanka ku baadi goobeysaa aduun dhan shan milyan oo doollar.

Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki ayaa ka mid ahaa Saraakiisha tababarka siiya ciidanka Al-Shabaab waxaana dhowr mar uu ka soo muuqday Munaasabado kala duwan oo ay qabteen Ururka Al-Shabaab inta aysan khilaaf soo kala dhexgalin Abuu-Mansuur Al-Amriiki iyo Al-Shabaab isaga oo soo diray dhowr mar Cajalado Muuqaal ah uu ku sheegayo in ay dilayaan Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay FBI-da Mareykanka ayaa sheegay in Jehad Serwan iyo Abuu-Mansuur Al-Amriiki ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Mareykanka.

Jehad Serwan ayaa waxay la sheegay in isna uu ku sugan yahay Soomaaliya waxaana uu ku dhashay gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka wuxuuna ku biiray Ururka Al-Shabaab 2005.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay lacagta la duldhigay Abuu-Mansuur Al-Amriiki iyo Jehad Serwan .Ma aha markii ugu horeysay oo ay dowlada Mareykanku lacag duldhigto dagaalyahano ku sugan gudaha Soomaaliya iyo hogaanka Ururka Al-Shabaab .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online