Maxkamada ciidanka Puntland oo xukun kala duwan ku riday Eedeysanayaal

March 19, 2013 - Written by

maxkamada-bosasoBoosaaso:-Waxaa maanta Maxkamada ciidanka ee Puntlland ay xukun ku riday ilaa 36 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab iyo qaar ka tirsan ciidanka Puntlland oo loo haysto in hub ay qaateen, tirad guud oo ay Maxkamadu dhagaysatay dacwooyinkooda  ayaa waxaa lagu qiyaasayaa ilaa 60 eedeysane.

Maxkamad ciidanka Puntlland ayaa dadka la keenay waxaa ku jiray eedeysanayaal ay Maxkamada darajada 1aad ay ku xukuntay dil iyo xabsi dheer walow ay racfaan ka qaateen ka dibna loo gudbiyey  Maxkamada ciidanka iyadoo ay ugu wacan tahay inay ku  eedaysan yihiin falal dilal ah oo ka dhacay degaanada Puntlland gaar ahaan Gaalkacyo iyo Boosaaso.

 Maxkamad ciidanka  ee Puntlland ayaa xukunka u riday sida tan:-

1- 9 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ka mid yihiin  kooxdii  amniyaadka ururka Al-shabaab oo lagu xukumay dil.

2- 6 dhalinyaro oo ay ku xukuntay  ay xabsi daa’in ah.

3- 21 dhalinyaro ah waxaa ay ku riday xabsi u dhexeeya 20 sanno ilaa 3 sano oo xariga ah.

4- 11  dhalinyaro ah dib ayey u dhigtay xukunkooda.

5- 13 ka tirsan ciidanka Puntlland oo loo xiray arrimo la xiriira qaab u dhaqanka ciidanka iyo kuwa hub loo haystay ay Maxkamadu sii daysay.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidanka Puntland Cabdi Kariim Xassan Firdhiye ayaa sheegay in Maxkamadu ay ku riday xukuno iskugu jira  dil , xabdi daa’in , iyo xabsi oo  u dhexeeya 20 sano ilaa 3 sano.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dacwada loo haysto eedaysanayaasha ay socotay mudo 49 maalmood ,Maxkamada ayaa sidoo kale kiiskooda qaadi doonta dhalinyaro ka tirsanaa amniyaada ururka Al-shabaab oo wax ka fuliyey dilkii foosha xumaa ee lagula kacay allaha u naxariistee Sheekh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan xili uu ka soo baxay Masjidka Xasan Bin Cali ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari maadaama racfaan ay ka qaateen Maxkamada darajada 1aad oo ku riday xukun dil ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waxaa caiib ah nimankii kalhaa anaga ayaa shekh Axmed dilanay oo weli la sii wareersanaayo aniga ma u maleynaayo in la marinayo xukun ay u qancaan muslimiintu ee waxaan qabaa in inta xogaa shilmaan ah laga qato in la sii daynaayo waayo somalia musuqmaasuq kama dhamaado, hadii aysan arintu saas ahayn maxaa loo toogan waayeey nimanka leh anagaa wax ka fulinay oo weliba qiranaaya alowoow inta dhiga culimada dhilmaan laaluusha ah siista beerka iyo kelyaha iyo xubnaha taran ka kaga rid cuduro aan daawo lahayn.

Leave a comment

*