Mu`tamarkii 11aad oo ka bilaabanaya Magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway

March 26, 2013 - Written by Editor

Mutamarka Oslo 2013Norway:-Dhamaan umada Somaaliyeed ee ku nool Norway iyo Yurub intaba waxaan idinkuna bishaaraynaynaa in la qabanayo 28.Mars 2013 Mu`tamarkii sanadlaha ahaa ee xiliga Gu`ga uu qaban jiray masjidka Tawfiiq.Inshallaah Mu,tamarka sanadkan waxaa ka soo qayb gali doona Culumada kala duwan Waxaan rajeyneynaa in aad ka faaideysan doontaan inshallaah.

Waxaan ka codsanaynaa walaalaha martida ah ee ka imaanaya dibada in ay soo qaataan gogoshooda.

Halkan ka Akhriso Culumada ka qeyb galeysa Mu`tamarkii 11aad oo ka bilaabanaya Magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway

Halgan.net
Oslo

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Walaal waa ku mahadsan tahay jawaabta.
    Walaal Allah Baan ka Magan galnay in aan war ka keeno
    Akhii waxaan ka wadaa waa in focus-ka la saaro mowduuc la xiriira arrintaan.
    Maxaa Keena, maxaana lagu daweyn karaa. Haddii xalku noqdo ka qaadis carruur yaa mudan in lagu wareejiyo.
    Jaaliyadda somalida maxay u sameyn la’yihiin guddi odayaal ah oo arrinta inta ay gaarin qaadasho la sameeya xiriir kommunaha iyo qoyskaba iwm.
    Adeer arrintu wax sahlan ma ahan.
    ALLOOW SAHAL
    GULED

  2. ASC,
    XAGGEE WAX ISKA QABAN LA,DAHAY
    Kheyr Allaah ha ugu badalo culimada & inta ka shaqeeysayba mu’tamarkaas.
    Walaalayaal sida aad ka warqabtaan Oslo Iyo nawaaxigeeda illaa hadda waxaa lagu qaatay carruur kor u dhaaftay 1000 kun ilmood.
    Mowduuc ka muhiimsan ma garan karo in laga soo jeediyo mu’tamarkaas sidii arrintaas wax looga qaban lahaa, xalna loo helo in cunug dambe oo somaliyeed Gaalo la wareegto.
    Alloow sahal
    M H Guled

    • Ascw.
      salaan kadin walal waa runta ilmaha laqaatay waa arin adag Laakiin waxaa ka muhiimsan in la is xasuusiyo Allaah sw oo dadka dhan abuuray kan wax qaadanaya in kan laqaatay intaba isagaana muhiimsan amarkisa in la is xasuusiyo culimaduna howsha kowad ay u mada u hayaan waa dhaxalkii nabiga ee taas ogow ,
      Hadii aan u soo labto arinta muhimka ah ee aad ka hadashay oo ah ilamaha laqaatay hada kahor waxaa jiray kulamo ey ka soo qeyb galeenn culimo iyo dad badan oo cilmiga adunyada bartay arimahaasna looga hadkaym,.
      Arinta aad shegtay culimada kaliya maahan waxaa lo baahan yahay iney kaso qeyb galaan dadka yaqaana dhaqanka dadka looyarada iyo dadka kujira jira maamulka dowlada norwey waad ku mahadsantahay rayigaaga laakiin kulamada kheyriga ah war yaan lagelinin,
      Mahadsanid
      Abdul

Leave a comment

*