Mu’tamarkii 1aad ee dalka Uganda oo galay maalintiisii 2aad (Daawomasawirada)

March 30, 2013 - Written by Editor

ss1Mu’tamar Islaami ah ayaa ka furmay Markaska Tawxiid ee magaalada Kampala ee dalka Ugandha, kaas oo loogu magac daray Hagaajinta Bilshada, Shalay Casarkii ilaa Maqribkii ayaa waxaa baxay laba darsi oo ay kala bixiyeen Sh.Yusuf Aadam oo lahaa Qabyaaladda iyo xumaanteeda iyo Sh.C/raxiim Dhabbar Abul-caynayn oo bixiyay Walaalnimada Islaamka. Maqribkii iyo cishihii dhexdoodii ayaa waxaa baxay labo darsi oo ay kala jeediyeen Sheekh.Max’ed Cali Gadhle oo lahaa dhexdhexaadnimada Ahlu-sunnaha iyo Sheekh Fu’aad Max’ud Xaaji.Nuur oo bixiyay darsi ku saabsan Midnimada Muslimiinta. Haddaba saaka ayaa waxaa bixi doona duruus loo jeedin doono ardayda Jaamacadaha Ugandha ee Soomaaliyeed muxaadaraadkaas oo maanta noqon doona muxaadaradii 4aad halka haweenku ay  iyaguna qaadan doona saddex muxaadaro manta.

no images were found

Duhurka ayaa masjidka Tawxiid waxaa ka bixi doona Muxaadaro ku saabsan sidii Nabigu S.C.W uu u baddalay saxaabada waxaana akhriyi doona Sh.Mac’ud Abu-shaybah. Galabta Casarka haddii Alle idno ilaa cishaha ayaa waxaa bixi doona duruus ku saabsan Takfiirka iyo Jihaadka oo ay culimadu ka hadli doonaan.Mu’tamarkaan ayaa socon doona Afar maalmood haddii Alle idno, haddaba inkasta oo uu yahay kii uGu horreeyay ee halkaan lagu qabto haddana waxaa ka soo qayb galay mushtamac aad u farabadan, kuwaas oo ay ka muuqato farxad iyo dhabar adayg maaddaama duruustu subixii ilaa habeenkii ay tahay xiriir.

Allaah ayaa mahad leh. ka qayb qaado barnaamijyada dacwada, ogow cimrigu waa gaabanyahahay, haddaba hormarso camal wanaagsan.

 

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. alla ayaa mahadleh
    waa wax lagu farxo runtii
    ilaahay ha dhawro culimada
    mar walba u taagan caddaynta xaqqa iyo koryeelka diinta
    ilaahayna ha ka ilaaliyo kuwa caadaystay cayda iyo laynta culimada

Leave a comment

*