Mu’tamarkii Islaamiga ahaa ee ka socday Kampala oo maalintii 3aad galay (Warbixin)

March 31, 2013 - Written by Editor

picKampala:-Mu’tamarkii dacawiga ahaa ee ka socday magaalada kampala ayaa maalintii 3aad galay waxaana maanta ilaa caawa baxay duruus badan oo ka kala baxday hoolka jaamacadda bariga afrika,musallaha ciidda ee raacsan masjidka towxiid iyo masjidka towxiid.

Duruusta maanta ka baxday hoolka jaamacadda bariga afrika waxaa kala jeediyay sh. Abuu shayba oo ka hadlay ku sugnaanshaha diinta,sh. Yuusf aadan oo ka hadlay  kaalinta dhallinyaradu ku leeyihiin hagaajita bulshada iyo sh. Fuaad oo ka hadlay dareenka masuuliyadda, duruustanina waxay gaar u aheyd ardayda waxa ka barata jaamacadaha kampala oo si baallaadhan uga soo qayb galay.

Duruusta ka baxday musallaha ciidda waxaa jeediyay sh. Maxamad cali gadhle oo ka hadlay ahwaasha ( mashaqooyinka) qiyaamaha,iyo sh. Abuu xassaan oo ka hadlay qabriga cadaabkiisa iyo naciimkiisa, duruustanina waxay gaar u aheyd dumarka ku nool magaalada kampala oo si baaxad eh uga soo qayb galay.

Salaaddii duhur ka dib waxaa masjidka towxiid ka baxay muxaadaro uu jeediyay sh. c/raxiim abuu cayneyn oo ka hadleysay qiimaha ay leedahay acmaasha gudubta ( midda aan qofka sameynaya ku koobneyn) salaaddii casar ka dibna waxaa masjidka ka baxay muxaadaro ka hadleysay ribada iyo raadka xun ee ay bulshada ku leedahay waxaana jeediyay sh. Maxamad yamani,iyo muxaadaro ka hadleysay axkaamta beeca( wax kala iibsiga) oo uu jeediyay sh. Maxamad cali gadhle.

Salaaddii makhrib ka dib ilaa 9:15 fiidnimo waxaa masjidka towxiid ka socday fataawi culimadu kaga jawaabayeen su’aalihii dadweynihii mu’tamarka ka soo qayb galay waxaana su’aalaha ka jawaabayay dhammaanba cuimadii duruusta mu’tamarka jeedinaysay.

Mu’tamarka waxaa lagu wadaa in habeen danbe la soo gabagabeyn doono inshaa allaah barrina waxaa socon doona duruustii ka baxeysay masjidka iyo musallaha ciidda inshaa allaah.

Halgan,net
Kampala

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online