Muxaadaradii 2aad oo xalay ka baxday Nadwo ka socota Masjid Rowda ee Boosaaso(Dhageyso)

March 7, 2013 - Written by

Habeenkii Labaad (2)Boosaaso:-Waxaa xalay ka baxay muxaadaradii 2aad Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, muxaadarada 2aad ayaa waxaa soo jeediyey Sh Cabdi qani Qorane iyo Ustaad Xassan Dhooye waxaan ay ka hadleen raadka uu qofku ku sameeyo Xad gudubka diineed iyo dhibaatooyinka uu marka danbe uu qofku gaarsiiyo.

2 wadaad ayaa waxaa ay muxaadaradooda ay dul istaajiyeen waaqic hadda ay Soomaaliya ku sugan tahay iyo Xadgudubka diineed ee ay la soo banbaxeen kooxda Al-shabaab iyo wixii ku fikri ah, muxaadarad xalay ayaa waxaa dadka lagu tusaaleeyey tusaalooyin fara badan oo ka jira dunida Islaamka iyo dhibaatada ay gaarsiiyeen Ururka Al-qaacida oo soomaaliya ay wakiil uga yihiin kooxda Al-shabaab.

2 wadaad ayaa sheegay in maanta ay wax walba is bedeleen oo hadda dad gaalo ah laga dhex raadinayo Masaaajida iyadoo la dilayo dadka u socda ama ka soo baxay ilaa ay gaartay in Al-shabaab ay gudaha masjidka ku dilaan  Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax, kooxda Shabaab ayaa markii ay fuliyeen dil waxaa ay faafiyaan been lagu sii balamay oo ah wax dilay lama yaqaan ,PIS baa dishay , maamulka bay isku dhaceen oo Faroole baa dilay, culimada ayaa su,aal ku wajahday dadkii dhagaysnayey muxaadarada iyagoo wiidiiyey bal in maalin ay qoladda maamulku ama Ciidanka PIS ay xireen Sh cabduqaadir Nuur Faarax ama Sh Dr Axmed xaaji Cabdiraxmaan iyo dadkii kale oo ay ururka Al-shabaab ku dileen Boosaaso iyo Gaalkacyo.

no images were found

Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh Cabdi Qani Qorane ka jeediyey Masjid Al-Rowda ee magaalada Boosaso

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/b12rcmvufa/shqorane.mp3″] ama halkan Mp3

Culimada Nadwada ayaa go,aansatay in dadka da’da yare ee in badan lagu khalday in kooxda Al-shabaab ay kula jiraan Jihaad gaalo dalka Soomaaliya ku soo duushay ayaa culimadu isku raaceen in ay bayaaniyaan in Jihaadkii ururka Al-shabaab uu ku soo aruuray in dadka Soomaaliyeed ay ka hor istaagaan in Salaadaha lagu soo tukado Masaajidsa iyagoo ay dileen dad badan oo Masjdka galaya , mid u socday iyo weliba kuwa ku cibaadaysanaya gudaha Masjid ka sidda ka dhacday Magaalada Garoowe xili salaad Casar lagu jiro oo la tukanayo aayaa mid  matukade ah kabihiisa la soo galay masjidka kana tirsan amniyaadka Al-shabaab uu dilay Sh Cabdulqaadir  Nuur Faarax xili uu ku gudo jiro salaadii Casar rakcadeedii 3aad arrinkaas oo alle ku kashifay kooxda Al-shabaab iyo duulaanka ay ku tahay diinta islaamka iyo ehelkooda.

Ilaa iyo intii lagu dilay magaalada Garoowe Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa ducaada , culimada, Issimada iyo ganacsatadu waxaa ay bilaabeen in Masaajida iyo goobaha kale looga digo dadka Soomaaliyeed in ay ku kadsoomaan ururka Al-shabaab oo duulaan ku ah diinta iyo culimada xanbaarsan taas oo sababtay in culimada iyo ducaadu ay go,aan cad ka qaateen Kooxda al-shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh Xasan Dhooye ka jeediyey Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/ue4yu670jo/xasan_dhooye.mp3″] Ama Halkan Mp3

Nadwadaan ayaa waxaa ay socon doontaa ilaa afar habeen waxaan ay qayb ka tahay Olole dacwo oo ay culimada , ducaada waxgaradka , Isimmad ay uga digayaan dadka da’da yar iyo waalidiintooda  in ay ku kadsoomaan fikriga quracan iyo dagaalka qorshaysan oo ay ururka Al-shabaab ay ku balameen in ay haldoorka bulshada ku nool Soomaaliya iyo degaanada Puntlland ay ku laayaan .

H

M_M_Deeq
Halgan.net

 

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Salam calaykum jzkl muxadarada Shiiq Qorane wa so galisen lakin ma dhamestirna ee fdlm iyado dhameestirn noosoo daaya.

  2. Asc
    Bahda halgan iyo kahristayaasheedaba waan idin salaamay waxaanna iniika mahad nakhaayaa dadaalka aa heysaan, wax badan baana noo caddaaday iyo in Alshabaab ay shaydaanka qaraabo yihiin jzkl.

    Waxaan idinka codsanaa inaad soo gelisaan Muxadsrada Sh. Cabdikhani Qorane waxa kale oo idinka codanaa in muxdaradka muctamarkan dhan aa hal meel wada galisaan si dadka u dhegeestaan una duubtaan.
    Thnkx

  3. waad kumahadan tihiin dhaman walaalaha halgan gaar ahaan m_m_deeq walaal noosoogaliya vedio iyo codba waxan idiin rajaynayaa jano

Leave a comment

*