Nadwo caawa ka bilaabaneysa Masjid Al-Rowada ee magaalada Boosaaso

March 5, 2013 - Written by

OLOLAHA_DACWADA_1Boosaaso: Nadwo cilmiyeed ay ka qeybgalayaan culumo kala duwan ayaa caawa ka bilaabaneysa Masjidka Al-Rowada ee magaalada Boosaaso waxaana nadwada loogu magac daray OLOLAHA_DACWADA ee ka hortaga wax umada halaaga oo ay u horeyso xadgudubka diinta.

Culumada deegaanada Puntland ayaa waday wacyi galin xoogan ka dib dilkii foosha xumaa oo ay Ururka Al-Shabaab u geysteen Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax Raximahulaah oo lagu dilay gudaha Masjidka Bader xili uu  ku jiray salaada Casar.

Waxaa Nadwada Caawa ka qeyb gali doona culumada kala ah

1 Sheekh Faarax Maxamed Cajab
2-Sheekh Maxamed Macalin Ahmed
3-Sheekh Cabdi Qani Qorane
4-Sheekh Ahmed Cabdi samed
5-Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim
6-Sheekh Ahmed Daahir Xasan

OLOLAHA_DACWADA_1Waxaa kale oo Nadwada ka qeyb qaadan doono culuma,udiin iyo wax garad kale oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Inshalaah Nadwada caawa ka bilaaban doonta Masjidka Al-Rowada ee magaalada Boosaaso.

Halgan.net
Boosaaso

 

1 Comment so far

Leave a comment

    • masha allah aad baan usoo dhawaynayaa cirib tirka Al.shaydaan waxaana ku bixinaynaa dhaqaalo xoog iyo wax kasta oo looga hortagayo qashinkaas
    • March 5th, 2013 at 10:18 pm
    • Reply

    Mashaa Alah waa ciribtirka alshaydaan iyo dadkoo hirdad laga kicinayo

Leave a comment

*