Nadwo cilmiyeed ka bilaabtay Masjid Rowda ee Boosaaso iyo Darsigii 1aad oo baxay.[Cod+Masawiro]

March 6, 2013 - Written by Editor

masjidka-al-rawda-20Boosaaso:-Waxaa xalay ka bilowday Masaajidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari Nadwo cilmiyeed diini ah oo lagula tacaalayo fahamka khaldan ee ururka Al-Shabaab ay diinta u tiirinayaan, qaybta ugu horaysa darsiga caawa ayaa waxaa soo jeediyey Sheekh. Maxamed Macalim Axmed oo ka mid ah Culimmada Soomaaliyeed , kana mid ah Macalimiinta iyo madaxda Jaamacada Bariga Afrika.

Sh. Maxamed Macalin Axmed ayaa ka hadlay oo macneeyey waxa loola jeedo ku xadgudubka diinta caqiido ahaan, cibaado ahaan iyo camal ahaan, Sheikha ayaa ku macneeyey xadgudubka Diinta inuu yahay siyaado iyo dheeraad qofku la imaanayo, oo aysan ku filaanayn intii quraanka iyo Sunnahu sheegeen.

 

Sheekha ayaa ka hadlay muuqaalada iyo sababaha lagu garto Xadgudubka Diinta, tusaalo yaal dhowr ahna u keenay taas oo ay ka mid tahay, in qofku naftiisa la waynaato, tan muslimiinta kalena la yaraato, inuu naftiisa ka bari yeelo, gaalnimada, munaafaqnimmada iyo macaasida kale, dadka kalena si fudud dusha uga rido.

Habeen danbe ayaa waxaa laga hadli doonaa raadka ama saamaynta uu keenay ku xadgudubka fahamka diintu, waxaana tusaaleyaal cad laga bixin doonaa waxa laga dhaxlay fahamka qaloocan ama xadgudubka ay Ururka Al-shabaab diinta u nisbaynayaan. ilaa intii ay ururka Al-shabaab ku dileen Puntlland Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax  ayaa ducaada , culimada,  Issimada iyo ganacsatadu waxaa ay qaateen go,aan midaysan oo ah in laga hortago xadgudubka diineed ee ay Al-Shabaab ku laynayaan culimada iyo waxgaradka ku nool degaanada Puntlland iyadoo ay socdaan shirar iyo kulamo goono gooni ah ilaa hadda.

Nadwadaan  ayaa waxaa ay socon doonta ilaa afar habeen waxaan ay qayb ka tahay Olole Dacwo oo ay culimada , ducaada waxgaradka , Isimmad looga digayo fikriga quracan iyo dagaalka qorshaysan oo ay ururka Al-shabaab ay ku balameen in ay haldoorka bulshada ku nool Soomaaliya iyo degaanada Puntlland ay ku laayaan .

Halkan ka Dhageyso Muxaadaradii 1aad ee Nadwada Sh Maxamed Macalim axmed

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/4v8i9v6t7n/1-furitaan_iyo_sh.max_ed_macalin_axmed.mp3″]

Ama Halkan Mp3

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online