Nadwadii Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso habeenkii 3aad (Masawiro+ Cod )

March 8, 2013 - Written by

Habeenkii-3aad-(10)Boosaaso:-Waxaa xalay halkeedii ka sii soctay Nadwo cilmiyeedkii ay culumada ku qabteen Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana darsigii xalay galay labada Sheekh ee kala ah Sheekh Ahmed Daahir Xasan iyo Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim waxaana ay ka hadleen qaabkii looga hortagi lahaa xadgudubka diineed.

Qeybta koowaad ee Muxaadarada ayaa waxaa galay Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim Abu Xasaan Xafidahulaah waxaana uu Sheekhu ka hadlay dhibaatada uu u geystay quluwiga caalamul Islaami iyo sida loo xalin karo

no images were found

Sheekh Ahmed Dahir xafidahulaah ayaa sidoo kale qaatay qeybtii labaad ee muxaadarada wuxuuna ka hadlay xadgudubka iyo sida looga hortago wuxuuna tusaale u soo qaatay 195 qof oo lagu dilay deegaanada Puntland  wuxuuna dadweynaha ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa Masaajida ku dilaya culumada oo uu u danbeeyey Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah.

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim Abu Xasaan Masjidka Al-Rowada

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/1lg2t2eieg/abu_xasaan.mp3″] ama Halkan Mp3

Dadweynaha Magaalada Boosaaso ayaa si aad ah u soo camiray Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso waxaana intii ay socotay xalay muxaadarada Bam lagu weeraray Masjidka taas oo ka yaabisay dadweynihii Muslinka ahaa ee soo camiray Masjidka Al-Rowda .

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh Ahmed Daahir Xasan Masjidka Al-Rowada

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/du06th3xk2/shahmed_daahir.mp3″] ama Halkan Mp3

M_M Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. culumada khayr allaha siiyo wax badan way noo digeen allow nagu anfac, shabaabna sharkooda ilaahow umadda ka qabo.

  2. masaajidka dadka soo galaayo maa labaro-cadwga yaan ku soo dhex dhumanaayo ilahoow umada cadwagan ka badbaadi amiin

Leave a comment

*