Nadwo looga hadlayo مداخل الشيطان oo lagu qabtay magaalada Hargeysa

March 3, 2013 - Written by

3-1Hargeysa:-Nadwo cilimiyeed si weyn looga soo qeyb galay ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxaana nadwada lagu qabtay Masjid Al-Hudaa waxaa nadwada cinwaankeeda uu ahaa مداخل الشيطان waxayana culumada aad u bayaaniyeed sida Shaydaanka uu u lumiyo dadka  iyo meelaha uu ka soo galo

Culumada ayaa waxaa kale oo ay Nadwada ku soo qaadeen dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah oo ay Al-Shabaab ku dileen gudaha masjidka Bader xili uu ku jiray salaadii casar waxayna culumada sheegeen in wiilka yar ee dilay Sheekh uu duufsaday Sheydaan kana soo galay dhinaca Shubahaadka isaga oo lagu qanciyey in Sheekh C/qaadir Nuur Faarax uu yahay Gaal dhiigiisana uu banaanyahay.

Culumada ayaa sidoo kale umada uga digay dhalinta in aysan ku kadsoomin fikirka  guracan oo lagu baneysano dhiiga culumada iyo Umada Soomaaliyeed waxayna ku waaniyeen in ay bartaan diinta kuna dadaalaan cilmiga sharciga ah.

Nadwada ayaa waxaa uu cinwaankeedu ahaa  مداخل الشيطان waxaana ka qeyb galay culumada kala ah

1- Sh. Dr. Bashiir Axmed Salaad

2- Sh. C/qani Aw saalax Cali

3- Sh. Yuusuf Aadam Maxamed

4- Sh. Maxamed Cali Geedi

5- Sh. Maxamuud Axmed ( Abu Shayba)

Halgan.net
Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online