Puntland oo dil ku xukuntay 3 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey Shabaabnimo

March 5, 2013 - Written by

maxkamada-bosasoBoosaaso:-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland gaar ahaan gobollada Bari, iyo Karkaar  ayaa maanta xukun ku riddey 3 dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay ka mid yihiin kooxaha amniyaadka ee  ururka Al-shabaab kuwaas oo waxgarad iyo birimageyda badan ku dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Eedeysaneyaasha maanta la xukumay ayaa ka hor qirtay maxkamada denbiga lagu soo eedeeyey,waxaana dhalinyaradaas laga soo qabtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay in markii ay dhageysteen eedeynta xeer ilaalinta iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen ay maxkamada ku xukuntay 3 dhalinyaro dil toogasho ah.

Sadexda dhalinyaro oo ay maanta maxkamada ciidamada qalabka sida ee  Puntland dilka ku xukuntay ayaa waxay kala yihiin.

Aadan Maxamed Nuur  19-jir
Cabdirisaaq Axmed Sheekh  18-jir
Cali  Maxamuud Cilmi  19-jir

M-M Deeq
Boosaso

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waa istahilaan ee waxaan ka codsanaynaa hadaanahay shacabka somaaliyeed in nimankaa iyo kuwii ka horeeyay ee dilay shiikhii qaaliga ahaa Dr axmed xaaji C/raxmaan In la fududeeyo toogashdooda la isuguna yeero shacabka somaaliyeed

    Mahdsanidin

Leave a comment

*