Puntland oo mar kale dil ku xukuntey laba qof oo la sheegay in ay ka tirsan Yihiin Al-Shabaab(Dhageyso)

March 2, 2013 - Written by

1Garoowe:-Maxkamadda daradda kowaad ee ciidanka Puntland ee gobalka Nugaal ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday labo nin oo lagu eedeeyey in ay ka mid yihiin kooxda Al-Shabaab kuwaas oo laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana maxkamada ay soo bandhigtay hub  iyo waxyaabaha qarxa oo ay wateen labada eedeysane .

Labada qof ee dilka lagu xukumay ayaa waxay maxkamada sheegtay in ay ka tirsan yihiin kooxaha amniyaadka ee dad badan oo waxgarad iyo birimageyda ah ku laayey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxayna kala yihiin labada eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil iyo Maxamad Nuux Aadan.
Xeer ilaaliye Cabdilaahi Cilmi Maxkamadda daradda kowaad ee ciidanka Puntland ee gobalka Nugaal ayaa maxkamadda ka hor akhriyay danbiyada iyo qaabkii ciidanku ammaanku u soo qabteen,wuxuuna sheegay in labada qof ay yihiin rag ka tirsan AL_shabaab hub iyo miinooyina soo galiyey deegaanada Puntland wuxuuna maxkamada ka codsaday in dil toogasho lagu xukumo.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Gobalka Nugaal Axmad Cabdi Bootaan ayaa u fasaxay raga ay maxkamada dilka ku xukuntay in ay hadlaan waxaana hadalka ku horeeyey Maxamad Nuux Aadan wuxuuna sheegay in uu Gaalkacyo u yimid arimo caafimaad uusan wax danbi ah lahayn.

no images were found

Sidoo kale waxaa Maxkamada ka hadlay Cabdirisaaq Xuseen Tahliin wuxuuna iska fogeeyey in uu ka tirsan yahay AL-Shabaab wuxuuna ku dooday in uu yahay Ganacsade wax shaqo ah aan ku lahayn Al-Shabaab

Maxkamadda daradda kowaad ee ciidanka Puntland ee gobalka Nugaal ayaa waxay Maxkamada u soo Bandhigtay

Jaakad la isku qarxiyo , .F1 Bam gacmeedyo ,Noocyada baaruuda waxlagu qarxiyo , Daasado NIDO ah ay ku jiraan walxaha qarxa, Taleefanada gacanta iyo rimuutyo.   Filooyin iyo fiyuusyo iyo Batariyo.

Gudoomiyaha maxkamada Axmad Cabdi Bootaan ayaa markii uu dhagaystay eedaymaha iyo is-difaaca labada eedeysane wuxuu ku dhawaaqay in xukun dil toogasho ah wuxuuna sheegay in la helay cadeymo iyo markhaatiyaal in ragan ay hubka iyo walxaha qarxa wateen ayna ka tirsan yihiin Al-Shabaab  Maxkamada ayaa sidoo kale sii deysay Siidii Cali Kabe Caalim.

GudoomiyahaMaxkamadda daradda kowaad ee ciidanka Puntland ee gobalka Nugaal ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay racfaan ka qaadan karaan xukunka mudo 30-bari
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/c0hj1dw4h7/gudoomiyaha_iyo_xeer_ilaaliyaha.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online