Qarax ka dhacay banaanka Masjidka Al-Rowada ee magaalada Boosaaso

March 7, 2013 - Written by

masjidBoosaaso:-War hadda naga soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay banaanka Masjidka Al-Rowda halkaas oo ay ka socotay Nadwo waxaana qaraxa uu ahaa sida dad goobjoog ah ay sheegeen Bam gacmeed laga soo tuuray meel ku dhow Masjidka waxaana qaraxa ka dhashay burbur gaaray gaari yaalay halka la dhigto gawaarida.

Ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa goobta soo gaaray waxayna ka bilaabeen howlgalo iyaga oo isku gadaamay halka uu qaraxa ka dhacay Gudaha Masjidka Al-Rowda ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne tiro badan marka uu dhacay qaraxa waxaana halkii ka sii socday Nadwada oo caawa gashay habeenkii 3aad waxaana caawa nadwada muxaadaro ka jeediyey Sheekh Axmed Daahir iyo Sheekh Xassan Maxamed Ibraahim Abuu Xasaan.

Dadweynaha dhagaysanayey Nadwo cilmiyeedka magaalada Boosaaso ayaa iyagu  si wanaagsan ula socday muxaadaraadka iyo towjiihaadka culimada iyadoo dadku ay ka dhagaysanayeen Xaafadaha ku xeeran Masjidka iyo idaacadaha ka howl gala  degaanada Puntllad . Culimada ayaa sii wadi doonta towjiihaadka
iyo muxaadaraadka  haddii alle idmo.

Bamka lagu soo tuuray banaanka Masjidka Al-Rowda ayaa qayb ka ah beegsiga goobaha cibaadaadka  waan mashruuc ay waxaa wada dad cadaw u ah islaamka iyo ehelkiisa . Qarax caawa oo ayaa noqday mid fashilmay iyadoo dadku ay ka digtoonaayeen ayaa waxaa loo badinayaa in ay ka danbeeyaan kooxaha Amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab kuwaas oo ku dilay gudaha Masjidka Bader Sh. C/qaadir Nuur Faarax horayna ugu dilay magaalada Boosaaso Sheekh Dr Axmed Xaji C/raxmaan iyo waxgaradka kale.

Warka oo faahfaahsan iyo masawirada dib baan idiinka soo gudbin doonaaa Inshalaah

M_M Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Alow halaag khawaarijta. War kuwan hala iska qabto, diin laawayaasha ah. Alow ina godane iyo kuwa lasocdaba naarta usoo da daji.

  2. aniga wax aan la yaabanahay dadkaani dhiiga muslinka xalaaleystay iyo dowlada puntland oo aan garan karin dadka arimaha noocaan geesanaayo ama geesan karo

Leave a comment

*