Qodobada Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Kooxda Ahlu sunna (Warsaxaafadeed)

March 6, 2013 - Written by

saacidKadib markii uu safar shaqo ku yimid gobolka Galgaduud Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu la socdo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo ka kooban labada gole (Fulinta iyo Sharci dejinta), waxaa ay kulan ballaaran al qaateen maamulka Ahlu Suna Waljamaaca.

Kulankaas oo daba socday is afgarad ku dhex maray magaalada Muqdisho dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu suna oo ku saabsanaa sidii maamulada iy ociidamada ahlsu suna ay uga mid noqon lahaayeen una hoostagi lahaayeen dowladda federaalka Soomaalia.

Munaasabad maanta loo qabtay soo bandhigida heshiiskan ayaa ka dhacday xarunta uu ka deganaa magaalada Caabudwaaq Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudan e

Heshiis dhex maray labada dhinac wuxuu ka koobanyahay 7 qodob

1. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedineysaa halgankii dheeraa ee ay soo galeen Ahlus Suna Waljamaaca waxuuna noqon doonaa mid taariikhi ah.

2. In si waafaqsan Dastuurka iyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee maamul sameynta iyo federaaleynta dalka laga hirgeliyo maamul goboleed gobolada dhexe, kadib marka ay soo dhameytiranto wixii hindise sharciyadeed ah ee Dastuurku dhigayo.

3. In dhamaan ciidamada Ahlsu Suna, Hubkooda iyo Gaadiidkooda dagaalba lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayagoo ka mind noqonaya ciidamada qalabka si ay u helaan xaquuqdooda ciidan-nimo.

4. In laga bixiyo kharashaadkii iyo deymihii Ahlu suna ku galay la dagaalankii Khawaarijta Al shabaab, kharashkaas oo dhan 5 Million oo dollar, waxaana leysla gartay in jadwal taariikheysan iyo guddi farsamo loo saaro qaabkii deymahaas loo bixin lahaay.

5.Dowladdu waxay la wareegeysaa maamulada degmooyinka gobolada dhexe ee Ahlu suna gacanta ku heyso, kuwaas oo si toos ah u hoos imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xaquuqdoodii u helaan.

6. Dowladdu in daryeel u fidiso agoontii iyo naafadii ku wax yeeloobay halgankii dheeraa ee Ahlu sunna uga xoreeysay degaanada gobolada dhexe Khawaarijta Al Shabaab.

7. Dhaqangelinta iyo dabagalka heshiiskaan waxaa loo saarayaa guddi farsamo oo labada dhinac ah mudo labo asbuuc gudahood ah oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiskaas la kala saxiixdo.

Wuxuu dhaqan galayaa heshiiskaan marka ay saxiixaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu sunna Waljamaaca.

Qodobada heshiiskan kadib ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka uu ku dhawaaqay dhismaha maamulo degmooyin iyo degaano hoostaga kuwaasoo hoostagaya dowladda  waxayna kala yihiin, Degmada Caabudwaaq, Degmada Dhuusamareeb, iyo degmada Balanbal halka sidoo kale maamulo loo magacaabay degaanada kala ah, Guriceel, Xeraale iyo Dhabad, iyadoo isla saakana lagu dhaariyay degmada Caabduwaaq. waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha kale ee labada gole.

Heshiiskaan waxaa u saxiixay dhinacyada.

1. Cabdikariin Xuseen Guuleed

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

2. Cabdi Cali Fiidow

Waxaa kale oo goob joog ka ahaa.

Guddoomiyaha golaha Fulinta maamulka Ahlu suna Waljamaaca

3. Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye

Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu suna Waljamaaca.

4. Sheekh Cumar Shiikh C/qaadir

Guddoomiyaha golaha Talada maamulka Ahlu suna Waljamaaca.

5. H.E. Cabdi Faarax Shirdoon

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 

Wabillaahi Towfiiq

Garad Salad Hersi

Press officer
Mogadishu, Somalia
 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online