Ra’iisal Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo saaka booqday xerada 54-aad ee ciidanka Xoogga Puntland

March 11, 2013 - Written by
SAM_0298Garoowe, March 11,2013—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaamina yay, labadii cisho ee  ugu dambeysayna ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidanka xooga Puntland, halkaasoo aheyd xarun ciidan Millatery dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Ra’iisal Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole, madaxweyne kuxigeenkiisa Mudane C/samad, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan labada gole ee Puntland.
 
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha Xeradan iyo xafiisyada, wuxuuna mid mid u gacan qaaday saraakiisha taliska ciidanka ee Puntland, oo iyagu halkaasi dhoolatus ka sameeyey, wuxuuna salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ee Puntland. Ugu dambeyntiina, saraakiisha ciidanka ayaa halkaasi ka soo jeediyay khudbado, heeso iyo gabayo, iyaga oo soo bandhigay waxqabadkooda, waxayna ka codsadeen Dowladdu inay ka garab siiso sidii loo sii horumarin lahaa ciidamada Puntland.

no images were found

Dhanka kale,  Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo is daba joog ah la leh labadii cisho ee ugu dambeysay madaxda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale Ra’iisal wasaaruhu uu booqday shalay qaar ka mid ah Wasaaraddaha iyo madaxtooyada oo ay haatan dhiso ku soconayaan.
 
Garad Salad Hersi
Press officer
Garowe, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online