Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo tegay Degmada Dhuusamareeb

March 4, 2013 - Written by

saacidMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka safar ku gaaray Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud. Safarka Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa ku weheliya Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed ,Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Fiqi iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maalmihii la soo dhaafaya waxaa la hadal hayey in safar uu ku tegi doono Gobolka Gal-gaduud ka dib markii ay ciidamo ka tirsan AMISOM ay gaareen Gobolka. Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa waxaa la arkeyey saaka iyagoo sugaya amaanka Degmada Dhuusamareeb , dadweyne fara badan iyo ardayda dugsiyada ayaa ska qayb qaatay soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii ku weheliyey safarka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online