Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya oo gaaray Kismaayo[Daawomasawirada]

March 26, 2013 - Written by

shirdoonKismaayo:-Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.  Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo iyadoo la arkayey masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo  iyo wafdi wasiiro ah oo oo ka tirsan DFS oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Markii uu magaalada Kismaayo soo gaaray wafiga Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa aad loo adkeeyey amaanka guud ee magaalada Kismaayo iyadoo dhamaan is gaarsiinta laga saaray hawada waxaa sidoo kale  la arkayey ciidanka dowlada Kenya iyo kuwa Raaskaambooni oo ilaalo wafdiga  Ra’iisul wasaaraha  Saacid.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo waxaa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo iyo odayaasha dhaqanka ee Gobollada Gedo iyo Jubooyinka kuwaas oo shir uga furmay maalmihii la soo dhaafay magaalada Kismaayo  shirkaas oo lagu dhisayo maamul gobolleedka la magac baxay Juballand State.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online