Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Ka Warbixiyey Safarkii uu Ku Tagay Gobolada Dhexe

March 7, 2013 - Written by

5Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa galabta Shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa uga warbixiyey warbaahinta safarkii uu ku tagay gobolada dhexe iyo Cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay gobolada dhexe ee Soomaaliya uu ahaa mid ku soo idlaaday guul wuxuuna sheegay inuu goboladaas ku soo arkay dad u heelan dowladnimo,

“Waxaa si balaaran na loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamreeb iyo deegaanadii kale oo aan tagnay aniga iyo waftigii ka koobnaa labada golle, waxaa garoonka nooga horyimid dad kumanaan gaaraya, taas waxay muujinaysa dadku sida ay ugu  heelan yihiin dowladnimada, waxaan u sheegnay dadka inaan ka caawin doono dhanka nabad galyada iyo horumarinta adeegyada asaasiga u ah nolosha, waxaa kale oo dadka u sheegnay inay masuul ka yihiin sidii ay u dhisan lahaayeen maamul” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday heshiiskii dhex maray Ahlu-Suna-Waljameeca iyo Dowlada Soomaaliya kaas oo ah mid dowladda ugu fadhiya muhiimad gaar ah marka laga eego dhanka dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka.

“Dowladu waxay heshiis la saxiixatay Ururka Ahlu-Suna-Waljameeca oo in mudo ah dagaal kula jiray kooxaha nabad diidka ah, waana bogaadinaynaa sida ay u soo bilaabeen halganka ay kaga sifaynayeen khawaarijta qaybo ka mid ah gobolada dhexe, heshiiskaas waxaa uu dowladda u lahaa ahmiyad gooni ah, wuxuuna dhabaha u xaarayaa sidii ciidamada Ahlu-suna-Waljamaaca ay uga mid noqon lahaayeen ciidanka Qaranka iyagoona balan qaaday inay ka dhabaynayaan sidii ay ula shaqayn lahaayeen dowladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo sidoo kale sheegay in Maamulka Ximin iyo Xeeb ay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan dowlada, waxayna ka codsadeen in Dowladu ay barnaamijyo wax loogu qabanayo u samayso dhalinyarada ka waantoobay falalkii burcad badeednimada ahaa oo hada ku sugan qaybo ka mid ah deegaanada maamulka Ximin iyo Xeeb.

no images were found

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya taas oo fursad u siinaysa dowladda inay tayeeyso ciidankeeda.

“Aad ayaan u soo dhaweynaynaa in laga qaado Soomaaliya cuna qabataynta hubka, waana dadaal ay dowladu  samaysay mudadii yarayd ee ay jirtay, taas macnaheedu maahan in hubka dowlada gacanteeda soo gala loo maamulayo qaab qaldan, waxaana arinkaas naga saaran masuuliyad taas oo ah in shacabkeena uga difaacno kooxaha nabad diidka ah, maxaa yeelay dowlada waxaa masuuliyadi ka saaran tahay sidii Amniga loo soo celin lahaa, waxaan u muujinaynaa niyad wanaag dadka ka qaba walaaca cuna qabataynta hubka ee la qaaday, marnba suurta gal noqon mayso in hubkaas loo isticmaalo si masuuliyad daro ku jirto”

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in cuna qabatayta hubka ee la qaaday ay muujinayso dhamaystirka qaranimadii Soomaaliya, maxaa yeelay ma jiro aduunka dowlad aan xaq u lahayn inay soo iibsato hub ay ku difaacdo dadkeeda.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online