Raisulwasaare Saacid oo khudbad ka jeediyey golaha Baarlamaanka DFS (Masawiro)

March 3, 2013 - Written by

IMG_2052_(74)Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa maanta horgeeyey golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxqabadka xukuumada ee boqolkii maalmood ee tegay.

Kulankan oo ay soo xaadireen 151 xildhibaan. Ayaa waxaa furay guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyada oo ka hor furitaanka fadhigan loo qeybiyay xubnaha Baarlamaanka hadal qoraal ku aadan waxqabadka xukuumada ee mudada boqolka maalmood ah.

Kulanka ayaa waxaa khudbo dheer ka jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada, isaga oo qeexay howlqabadka xukuumada, gaar ahaana dhinacyada. Arrimaha Gudaha, Arrimaha Debedda, Dhaqaalaha, iyo Adeegga Bulshada. asaga oo xusay in mudada kooban ee ay xukuumadu jirto inay ku talaabsatay waxqabad muuqda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in xukuumadu hirgelisay mashaariic dib u dhis iyo horumarineed, gaar ahaana dugsiyo si lacag la’aan ah wax loogu bari doono ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna xaqiijiyay in haatan la dhagax dhigay 10 dugsi, halka 20 kalena lagu howlan yahay in dayactir lagu bilaabo waqti dhow. qorshaha sanadka 2013 uu yahay inay waxbarasho siiyaan arday gaareysa Hal Milyan si lacag la’aan.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu tibaaxay in dib u hagaajin lagu sameeyey hay’addaha Dowladda, gaar ahaana Wasaaraddaha iyo ilaha dhaqaalaha, isagoo sidoo kalena xusay in Wasaaradda Maaliyaddu ay jaangooyo u sameysay qaabka canshuur uruurinta.

no images were found

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in golaha Wasiiradu ay dhameystireen sharciyo badan sida, sharciga dhismaha maamulka gobolada, sharciga Tariifooyinka, iyo sharciyo kale oo dhowaan loo soo gudbin doono Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay dhismaha maamulada ayaa xusay in dadyowga ku nool goboladu ay xaq u leeyihiin inay dhistaan maamul, balse loo baahan yahay oo kaliya inay waafajiyaan Dastuurka.

Intii ay socotay khudbada Ra’iisal Wasaaraha ayay xildhibaanadu sacab ku hakinayeen, iyaga oo u riyaaqayay waxqabadka xukuumada ee uu soo bandhigay Ra’iisal Wasaaraha. Waxaana gabagabadii guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari uu ku wargeliyay Guddiyada Baarlamaanku inay  soo diyaarsadaan wixii su’aalo ama aragti ah oo ay qabaa, si howl kasta Wasiirka ay khuseyso faah faahin dheeri ah looga dalbado.
–DHAMAAD—-

Garad Salad Hersi
Press officer
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online