R/W oo booqday xarumaha Galmudug, xarigana ka jaray garoonka C.llaahi Ciise(Masawiro)

March 12, 2013 - Written by

IMG_4050Gaalkacyo:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saaka kormeeray qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, wuxuuna xariga ka jaray garoon K/cagta oo loogu magac daray Cabdullaahi Ciise. asaga oo dhanka kale kormeeray xabsi dhexe iyo Garoon diyaaradeed kuwaasoo howlo dhismo ah ay ku soconeyso. 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa khudbad ka jeediyay garoonka oo ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah oo u badan arday iyo ciyaartoy, waxaana uu ugu hambalyeeyey maamulka Galmudug sida ay u horumarinayaan degaanka. wuuna dhanka kale ku ammaanay inay maanka ku hayaan dadkii muwaadiniinta ahaa ee dalka iyo dadka taariikhda ku lahaa.
 
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan xariga ka jaro garoon aad ugu magac darteen nin halyey qaali ah, ummadda Soomaaliyeedna ay qadarin u hayaan, waana idiinkaga mahadcelineynaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dhismaha garoonkani uu qeyb ka qaadan doono is dhexgalka bulshada iyo nabadda.

no images were found

 
Ra’iisal Wasaaraha ayaa balan qaaday codsi uu soo jeediyay Wasiirka Isboortiga Galmudug Saadaq Daahir, kaasoo ku aadanaa kharashaad ka dhiman dhameystirka garoonka, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu goobta caddeeyey in Dowladda Federaalku bixineyso kharashka dhameystirka dhismaha garoonka.
 
Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa kale oo ay kormeereen dhismaha Xabsi weyn oo laga dhisayo meel duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo.
 
Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray dhismaha garoon diyaaradeed kaasoo laga hirgelinayo duleedka magaalada, waxaana ka soconeysay xilliga uu booqanayay R.wasaaruhu dhismo ay wadeen cagaf cagafyo, waxaana howlwadeen ka ah Xil. Cismaan Xasan Cali (Caato), oo isagu si iskaa wax u qabso ah ugu deeqay qalabka.
 
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay shacabka reer Gaalkacyo inay ku dadaalaan nabadda iyo horumarka, wuxuuna kula kaftamay “Reer Gaalkacyo dagaalka kaalinta aad ka qaadataan waa inaad nabadda ka qaadataan, waxaana tusaale u ah inaad nabadda dhankeeda u weecateen horumarka iyo dhismayaasha aad ka sameyneysaan magaalada” ayuu yiri isaga oo ka dalbaday in wixii maanta ka dambeeya aysan dhicin in magaalada Gaalkacyo labo u qeybsanto, isla markaana shacabka labada maamul ay si xor ah oo nabad ah u maraan.
Garad Salad Hersi
Press officer
Galkacyo, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online