Sh Cabdi Qani Qorane oo Tacliiqiyey Khudbadii Jimce ee Masjidka Rowda ee Boosaaso[Dhagayso]

March 12, 2013 - Written by

BHabeenkii Labaad (2)oosaaso:-Shiikh Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah culimadii iyo ducaadii ka qayb qaatay Nadwadii ka dhacday magaalada Boosaaso ee looga digayey xadgudubka diineed ayaa maalintii Jimce waxaa uu tacliiqiyey khudbadii Jimce isagoo ka hadlay dadka duulaanka ku ah Masaajida iyo culimada diinta Islaamka xanbaarsan wuxuun ugu baaqay bulshada reer Boosaaso in ay ka taxadaraan kooxda Al-shabaab  ee Masaajida alle ku weeraray Bambooyinka.

Sh Cabdi Qani Qorane ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay mowqif adag ka qataan kooxda al-shabaab ayna ka  hortagaan sababta oo ah waxaa ay dagaal ku iclaamiyeen culimadii diinta Islaamka xanbaarsan iyo shacabkii muslinka ahaa ee Soomaaliyeed , Sh Cabdi Qani Qorane ayaa sheegay in aysan ogayn goorta ay reer Boosaaso gaaloobeen ama shacabka Soomaaliyeed oo uu dhiigoodu uu banaanaaday.

Culimada, ducaada  badan oo ka sii jeeday falalka gurac oo ay ku kacayaan kooxda al-shabaab ayaa hadda bilaabay in ay si toos ah uga hadlaan Masaajida iyo goobaha waxbarshada  kale duwan iyagoo qaarkood hubka qaatay oo hadda waardiye adag ka haya culimadooda iyo goobaha waxbarashada diinta iyo Masaajida

Hoos ka Dhagayso kalimadii Sh Cabdi Qani Qorane uu ka jeediyey Masjidka Rowda

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/a1dfkubbdc/kalmada_sh.cabdiqani_qorane_ee_salaada_jimcada_kadib.mp3″]

Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Allaahu akbar sheekha khayr Alle ha siiyo, webkahalganna waaugamahad celineynaa khudbada qiimahabadan.
    Alshabaab rag yaqaan baa helay waxay ahaayeenna waa la sheegay waxaanse fahmi karin maxaa waxaan mar hore dadka loogu cadeeyn waayay iyagaa iska celin lahaaye. Waxay ahaataba ma maleenaayo ineey qofdambe ku siri karaan wixi ay dadkaku beerlaxawsan jireen.
    Mujaahidaan ahay frontlaynkeegana waa masjidka kkkkk, xabbadeeydana waxay ku jeeddaa sheekha imaanka iyo muadinka iyo jamaacada tuakneesa kkkkk gaalo haddey isoo weerartana waan ka cararaa, qof caqlileh iska daaye qof caafmad qaba xitaa kuma fikiro, waa fikir qof waalan kaliyeeto ee nimankaas buufis ha laga soo baaro, sababtoo ah dad ku waasha dhiigga dadka oo iskajeclaada iney wax lee dilaan marka waxaa laga yaabaadadkoox ah oo xanuunkaas qaba ay ku midoobeen ururkaan islaamka dhameeyay.

  2. ALLAAHU Akbar,shabaab jawaab ha keeneen, hadii kale ha isa soo dhiibeen,baydhabo waa laga cararayaa masjid alroda waa la qarxinayaa…

Leave a comment

*