Sheekh Maxamuud Shible oo muxaadaro ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada Jigjiga(Dhageyso)

March 2, 2013 - Written by

dad2Jigjiga:-Sh. Maxamuud Shibili ayaa xalay waxaa uu muxaadaro ka jeediyey Masjid  Jaamica magaalada Jigjiga oo ah xarunta degaanka Soomaalida  ee dalka Itoobiya.  Sh.Maxamuud Sh.Maxamed Shible ayaa maalmahaan waxaa uu ku suganaa Magaalada Jigjiga  waxaan uu muxaadaraad kale duwan ka jeediyey masaajido kale duwan. Dadweyne aad u fara badan ayaa soo xaadiray Muxaadarada uu xalay Sh.Shibili ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada JigJiga waxaan uu Shiikhu muxaadaradiisa ugu magacdaray [Aadaabta Fatwada ] oo runtii ah mowduuc muhiim ah in si fiican loo daraaseeyo ayna xadgudub badan ay ku sameeyeen kooxo iyo shaqsiyaad habawsan.

no images were found

Sh.Shibili ayaa dadweynihii dhagaysanaya muxaadarada waxaa uu uga digay in dadku ay dhex galaan arrmo aysan wax ka garanaynin ama aysan cilmi u lahayn isagoo ugu baaqay in masaaisha waaweyn loo daayo culimada waaweyn ee ehelka u ah. Sheekh Maxamuud  Shible ayaa waxaa uu xusay in danbi weyn ay tahay in qofku uu dhexgalo wax uusan cilmi u lahayn arrinkaas oo loo baahan yahay in laga digtoonaado. Sheekh Shibili ayaa markii uu dhameeyey muxaadarad ayaa waxaa  ay dadweynihii dhagay sanayey muxadarada waxaa ay su.aalo wiidiiyeen Sheekha isagoo dhamaan ka jawaabay su,aalihii ay dadweynuhu soo gudbiyeen.

Sh Maxamuud Shibili ayaa maanta waxaa uu muxaadaro ka jeedin doonaa Masjid Al-raxmah iyadoo muxaadarada ay khaas u tahay  dumarka. Sheekha ayaa waxaa la filayaa in uu in mudo ah sii joogi doona  magaalada JigJiga isagaa duruus iyo muxaadaraad   kale ka jeedin doona.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/68905wb9ty/fatwa_shible.mp3] Ama Halkan MP3

Halgan.net

6 Comments so far

Leave a comment

  1. ilaahay janadiisa ha geeyo isaga iyo culimada somaliyeed oo dhan ba mansha’allah

  2. asc ilaahay ajir hakasiiyo sheekha inagana ilaahay ha inagu anfaco

  3. asc sh ilaahay hakasiiyo ajir bdn dadaalka uu sh ku jiro faainta diinta islaamka ilaahay waxaan kaaga baryayaa in uu adduunka ku siiyo cimri dheer aakhirana janadii fardwoso aamin aamin

  4. asc shiikha ilaahay ha barakeeyo waa loo baahnaa muxaadaradaas qiimaha leh ee uu ka jeediyay masjid jaamaca jigjiga waa dhulkii dacwadu 20 ka sano ka xidhnayd culimada waaweynina waa in ay sidaas oo kale uboqdaan

  5. walalyal linki usameeya muxadarada si aan udirsano mahadsanidiin

  6. asc mansha allah alle hano barkeyo sheekhena shibile alle cumrigisa hau wasiciyo

Leave a comment

*