Shayaadiintu Shar Badanaa !!!W/Q Abdisalaan F Gaas

March 11, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Shiikhu Nasiib Badanaa !!!

Shaqiguna Ayaan Daranaa !!!

Shayaadiintu Shar Badanaa !!!

Shacabkuna Il Daranaa !!!

Qaybtii 2aad

 

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين، والعاقبة للمتقين، والصلاة والسلام على إمام المرسلين نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين.

Sh Abdulqaadir Nuur Faarax  ALLAAH SWT ha u naxariisto, Jannatul Firdawsa ALLAAH SWT hoy iyo Guriga ha uga dhigo, aamiin aamiin

Shiikha taariikh nololedkiisa iyo waxqabadkiisa ka sheekayn maayo oo waxaa qalinka u qaatay Culimo iyo Akhyaar iiga awlaysan oo intaan aqaanay in ka badan yaqaanay, wax badana ay khayr iyo wanaag ka soo wada shaqeeyeen ALLAAH camalkooda ha u aqbalo, ayagana ALLAAH khaatumada ha u wanaajiyo shiikha, ayaga iyo anagaba Jannatul firdawsa ha nagu kulmiyo, aamiin,

Waxaanse jeclahay inaan wax ka iraahdo kalimaatka kor ku xusan ee ah mawduuca maqaalkaan yar, ka dibna aan ku soo Gunaanado Tix kalimaat ah oo aan ka iri arintaas,

Sida ay la socdeen Akhristayaasha Sharafta leh waxaan qaybtii hore ee qormadaan uga soo hadalnay kalimaatka ama dulucda cinwaankeedu ahaa,

Shiikhu Nasiib Badanaa !!!

Shaqiguna Ayaan Daranaa !!!

Sida ay ballantu inoo Ahayd waxaan qaybta 2aad ee qormadaan uga hadlaynaa haduu ALLAAH idmo, Dulucda kor ku xusan qaybta ka dhiman ee ah

Shayaadiintu Shar Badanaa !!!

Shacabkuna Il Daranaa !!! .

Waxaana ku soo gababaynaynaa kalimaat aan ku cabirayo dareenkayga iyo ALLA bari.

Kalimada shaydaan waxaa loo isticmaala cid kasta oo ALLAAH swt xuduudihiisa ku xadgudbta, wax badan ayayna isticmaaleen culumadii Salafka,

Hadaba sida ku cad Qur,aanka iyo axaadiista Nabiga Sallalaahu Calayhi wa sallam, xadgudub la sameeyo waxaa ugu wayn gaalnimada ka sokow waa qof mu,min ah oo xaq daro lagu dilo, ALLAAH swt markuu bani aadamka abuurayay ayay Malaa,iktu su,aaleen ma waxaad  Abuuraysaa cid dhulka fasahaadisa oo dhiig ku daadisa,

Waxay ku cabirayeen sida uu u waynyahay daadinta dhiiga waxayna muujiyeen inuu yahay fasahaadka ugu wayn, Runtii waxaa waxaas oo dhan ka shar iyo fasahaad badan in la banaysto dhiigii dadka muslimiinta ah, sababtoo ah waa 2dambi oo aad u kala wayn inaad qof muslim ah dishid iyo inaad dhiigiisa banaysatid ka dibna aad dishid.

Waa su,aale yaa ka shar badan dadka dhiigii muslimiinta daadinaya, dadka dhiigii muslimiinta bannaysanaya, dadka haldoorkii iyo labeentii ummada ugaarsanaya, dadka culumadii diinta ku cirrawday dhiigooda banaysanaya ciyaal iyo wax ma garatana ka adeejinaya, ayagoo diin uga dhigaya,

Waa su,aale miyaysan ahayn shaydaanimo iyo xadgudbyo is kor fuulay oo xad dhaafay, miyaysan ahayn fasahaadkii ay malaa,iktii ALLAAH swt ka hadlaysay,

Miyaysan ogayn in Adduunkaan oo dhan oo la waayo in ALLAAH swt agtiisa ay kala wayntahay naf muslimad ah oo xaq daro lagu dilo, sida ku cad xadiiska

عن البراء بن عازب أن رسول الله صلى الله عليه و سلم قال) لزوال الدنيا أهون على الله من قتل مؤمن بغير حق (   ( صحيح ) غاية المرام 439 ، التعليق الرغيب 202 / 3

Shacabkuna Il Daranaa !!!

Shacabka soomaaliyeed Wuxuu 23sano la daalac dhacayay dhibaatooyin aad u fara badan, Dagaalo sokeeyo, Qax, qaxootinmo, boob, dhac, duullaan, iyo dhibaatooyin aan la soo koobi Karin lakin dhafoorka uga qoran qof kasta oo soomaali ah, taariikhduna ay wax badan ka xusi karto,

Shacabkii Soomaaliyeed dal iyo dibadba Wuxuu daris la noqday dhibaatooyin maalinba waji cusub wata oo midba mid ka darantahay, dadka wadankii joogaa waxay is leeyihiin intooda badan dhibkaan idin haysta waxaa ka bad baaday dadkii qaxay oo dibadahaas u cararay, halka dadka dibadaha soo aaday intooda badan ay ku taamayaan marba hadii dhib lagu jirayo maxaa dhulkaadii hooyo kaa soo kaxeeyay, sababtoo ah waxaa ka dhargay dhibaatooyinkii qurbaha oo aan jeclahay haduu ALLAAH idmo inaan mar kale wax ka ishaaro, laakiin waxaa cad inay taaalo murugo xeel dheer dadkuse ay la jiifaan,

Wadankii wixii uu soo maray ee dagaalada sokeeye, qabqablayaashii Dagaal, Dullaankii Shisheeye oo noocyada badnaa, qixii gudaha, abaarihii iyo rafaadkii la soo maray waxay ahaayeen dhibaatooyin aad u waawayn ayadoo ay saas tahay baa hadana dhibka maanta soo kordhay ayaa ka daroo dibi dhal noqday oo dhibaatooyin hor leh soo kordhiyay,

Waxay soo kordhiyeen nimakaan xad gudbay,

1- dadkii oo diinta laga fitneeyay oo musiibada ugu wayn ah ka dib markii umadii la gaalaysiiyay,

2- dadkii oo diinta iyo ahlu diinkaba lagu diray oo awal qofka wadaadka soomaalida dhexdeeda magaca iyo maqaam ayuu ku lahaa laakiin maanta hadii ay sunnadu kaa muuqato qaybo badan oo soomaaliya ka mid ah waa shayaadiintii baa la oranayaa iyo wax la  mid ah,

3- dadkii 23sano dadka laynayay waxay u badnaayeen ama wada ahaayeen dad is og inay dambi galayaan oo ay dhiig galayaan laakiin aduun iyo dano kale baa ku riixayay, maantase waxaa soo Baxay markaad masaajid ka soo baxdid wiil baa ku dilaya asaguna raba inuu janna kugu tago, CAJIIB….

Dhagar qabayaashii dilay AUN Dr Axmed Xaaji abdiraxmaan mid ka mid ah ayaa markii la waraystay Wuxuu sheegay in kan dilka gaystay markii amarka la siiyay inuu asagu dalbaday inuu Dr ka dilo si uu janna ugu helo INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN (hadaad rabtid ka dhagayso qiraalkooda)

4-      wadankii oo maaliba inta meel la tago gaalo af iyo adinba loogu yeeranayo markay cagaha soo dhigtaana XEELAD DAGAAL looga baxayo si ay gaaladaas iyo maxastu isu arkaan sidaasna lagu wado ilaa soomaalia oo dhan gacanta laga bixiyo,

intaas waa qayb ka mid ah musiibooyinka waawayna ee soo kordhay,

Shacabka soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ALLAAH u noqdaan oo u toobad keenaan ogaadaana waxaan inay yihiin ciqaabtii dunuubtii la galay,Inay feejignaadaan oo iska qabtaan dadkaan indhaha ka ridaya oo umada intii ka dhaqaaqaysay dhamaynaya,

Waxaan halkaan bogaadin iyo Hambalyo uga dirayaa shacabka reer Garowe gaar ahaan wiilashii nafta ag dhigay inay gacanta ku soo dhigaan habaar qabihii shiikha dilay asagoo waliba dagaalamaya inay cayrsadeen, dadwayne iyo dawladba  abaalgud bay ka mudanyihiin wiilashaas,

Shacabka soomaaliyeedna meel kasta ay joogaan inay sidaas oo kale yeelaan oo ay iska qabtaan duulkaan ummada duullaanka ku ah ayaan ku dhiirigalianyaa

Waxaan ku soo gababaynayaa qoraalkaan 

Shiikhu Nasiib Badanaa

Shaqiguna Ayaan Daranaa

Shayaadiintu Shar Badanaa

Shacabkuna Il Daranaa

Shuyuukhdu Har Waynaa

Sha,niguna Dareen Badanaa

 

Shayaadiintu Shar Badanaa

Shareecada Ka dheeraa

Shanta Tiir U daranaa

Shubuhaatka U Roonaa

Shacaa,irta ALLAAH iyo

Shanta Salaad u daranaa

Shawrkoodu Khayr Daranaa

Sheekadoodu Been Badanaa

 

Shakuuraw Allahayow

Shacab Qayshadaan nahay

Shiikh iyo Shariif iyo

Shayb iyo Cirooliyo

Shan jirkiyo Dadkoo Idil

Shay ka reebi maayaan

Shaakiraw Allahayow

Shayaadiinta Naga Qabo

Sharaftii Islaamkay

Shawr Daran ku koobeen

Shirikiga Iyo Gaalada

Shaygay Rabeen Bay

Shanta Ugu ridaayaan

Shakuuraw Allahayaw

Shartooda iyo Dhibkoodaba

Sha,nigooda Ka soo Saar

Shawkadooda Allaw jabi

Shumacooda Allaw Dami

Shaakiraw Allahayaw

Shayaadiinta Naga Qabo

Aamiin allahayow

Wassalaamu Calaykum W/W

Abdisalaan F Gaas

2 Comments so far

Leave a comment

  1. a/w
    sxb gaasoow allaah ha kaa aqbalo laakiin ismalahayn sxbkaabaa saa gobay ukeeniye maciilbad laburqaday ALLAAHU AKBAR.waxaan umalayn indurba lagu aqbaliye halkaa kawad kurid sida gantaalkii shaydaan iyo ehelkiibaa.

  2. Asalaamu Caleykum
    Shukran Ustadii Al Qadiir waa ku mahadsan tahay waana kuugu bogaadinayaa Maqaalkaaga Qimaha leh

Leave a comment

*