Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Nolol iyo Geeri W/Q Sh Xassan Maxamed Ibrahim

March 4, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Sheekh C/qaadir Nuur Faarax alle ha u naxariistee intii uu noolaa dadaal badan ayuu galiyay caddeynta iyo faafinta manhajka Ahlusunnaha ( assalaf assaalix) sida lagu yaqaanayna aqoon xeel dheer ayuu  u lahaa  manhajkaas iyo manaahijta ka soo horjeedda ee qalloocsanba, wuxuuna caan ku ahaa inaanu la gabbanin faafinta iyo caddeynta caqiidada toosan iyo fahanka ku qotomah habkii ay salafku u fahmeen nusuusta kitaabka iyo sunnaha.

Sheekhu alle ha u naxariistee wuxuu manhajkaas faafintiisa u dhabar adeygay iyada oo ay waddanka ka jirto dowlad xoog badan oo si adag ula dagaalameysay dacwada islaamiga ah xilligii kacaanku dadka ku qasbayay hantiwadaagga, wuxuuna sheekhu – alle ha u naxariistee – nooga sheekeeyay in dhowr jeer loo keenay warqad lagu amrayo in uu joojiyo darsigii uu ka akhriyi jiray masjidka Ceel hindi oo sida la ogyahay dad badani ka aflaxeen ilaahay fadligiis.

Sheekhu alle ha u naxariistee wuxuu noo sheegay in warqadahaasi ayna marna ku kalifin inuu duruusta joojiyo xataa hal habeen kaliya ee uu warqadda loo keenay jeebka iska gashanayay habeenka danbena darsiga sii wadanayay isaga oo ku soo talo galaya in ay askari masjidka ugu imaan karto xabsigana loo taxaabi karo, sheekhu – alle ha u naxariistee- wuxuu noo sheegay inuu ku talo galayay in haddii uu darsiga joojiyo ay adkaan doonto in uu dib u billaabo, sidoo kale ay dowladdu tallaabadaas uga faa’iideysan doonto in ay duruusta masaajidda kale ka socota oo dhan joojiso, haddii hal tijaabo u meel marto.

Sheekhu alle ha u naxariistee qaarado badan  ayuu u maray faafinta manhajkii uu xanbaarsanaa , wuxuuna macallin iyo sheekhba u noqday culimo iyo ducaad badan oo maanta soomaalida dhexdeeda caan ka ah, oo uu ku soo anqariyay mahankaas saxan ee ku qotoma fahankii salafka, dad badan ayuuna sabab ugu ahaa in ay ka soo noqdaan manaahijta lunsan sida: khuraafaadka, ku xad gudubka awliyada, baryada qubuuraha iyo takfiirka.

Qof kasta oo u taariikhaynaya dacwada islaamiga ah ee casriganna qasab bay ku tahay inuu is dultaago raadka lama illaawaanka ah ee sheekhu ku yeeshay geeddi socodkii dacwada salafiga ah iyo sida uu uga hortagay manaahijtii gurracnaa ee mararka qaar halista galiyay dacwadii saxda aheyd.

 

Sheekha waxaa sharaf u ah – alle ha u naxariistee- inuu ka mid ahaa raggii dhidbay tiirarka ay ku taagantahay dacwada salafiga ah ee maanta ilaahay soomaali ku badbaadiyay meel ay joogtaba, sidoo kale waxaa sharaf ugu filan in dacwada maanta shanta qaaradoodba saameysay ay tahay midhe ka dhashay dadaalkii ay bixiyeen rag uu sheekhu ka mid ahaa, ilaahayna waxaan uga baryeynaa inuu camalkoodii ka aqbalo kana baal mariyo.

Sheekhu sida uu ugu taagnaa caddeynta manhajkii uu xanbaarsanaa intii uu noolaa ee uu sababta ugu ahaa in khalaa’iq badani ku soo hanuunaan dacwadiisii,haddna sidoo kale waxaa ilaahay ku sharfay in geeridiisiina noqoto sabab dad badani ku soo hanuunaan oo ay kaga soo hadhaan manaahijtii qalloocsaneyd ee uu ka digi jiray intii uu noolaa.

Dad badan oo horay u fahmi waayay khatarta kooxda shabaab ee ay culamada sheekhu ka midka ahaa ka digayeen, ayaa maanta yaqiinsaday in culimadu ay ka hadlayeen xaqiiqo ay aqoon u lahaayeen ee ayna cid necbeysi ka aheyn, oo ogaaday in culimdu ka aragti dheertahay oo maanta dib u billaabay in ay dhageystaan duruustii iyo muxaadaraadkii sheekha iyo culimada la midka ah ee markii hore lagu diray!.

Dad badan oo ku dhago la’aa fikirka shabaab ee lunsan ayaa dilka sheekhu indhaha iyo dhagahaba u furay oo ogaaday in ay qayb ka ahaayeen mashruuc lagula dagaalamyo diinta islaamka iyo culimadii xanbaarsaneyd, iyada oo markii hore laga dhaadhiciyay in islaamka loo hiilinayo culimadana la difaacayo.

Habkii foosha xumaa ee cadownimada ka muuqatay ee sheekha loo dilay ee aan masjidka, salaadda casara.jimcaha. iyo caalimka da’da ah midna ixtiraamin, dad badan ayaa ku miyirsaday oo ogaaday in ay dad habowsan daba socdeen, oo maanta meel walba ka soo hadlaya iyaga oo ka towbad keenaya taageeradii ay kooxda al shabaab horay u siin jireen.

Gacan ku dhiiglaha sheekha dilay ee la qabtay isaga oo faldanbiyeedkii gacanta kula jira ee qirtay horayna loogu ogaa inuu xubin ka ahaa kooxda shabaab dad badan ayuu indhaha u furay oo si qayaxan u arkay ujeedada dhabta ah ee kooxdaasi ka shaqeyneyso, waxaana arrintan ku soo afjarmay been ay taageerayaasha ururkaasi caadeysteen oo aheyd in cidda culimada dilaysa ay tahay qolo kale iyagana lagu been abuuranayo, waxaana ummad badan u caddaatay in shaqada kooxda al shabaab ay hayso ay tahay shaqadii ashahaado la dirirka.

Sidoo kale dad badan oo moodayay in sheekha iyo culimada la midka ah ee la laynayo ay shabaab la manhaj yihiin oo rumeystay dicaayadaha lagu furay culimada xanbaarsan manhajkii salafka ayaa iyaguna wax ku fahmay geerida sheekha oo garwaaqsaday in faraq weyn u dhexeeyo kuwa masaajidda wax ku dhex dilaya iyo culimada ay dilayaan oo ayna isku fahan iyo manhaj midna aheyn.

Xaajo ugubna ma aha in manaahijtu ka faa’iideysato oo ay ku sii faafto dhiigga dadkii xanbaarsanaa sida ku xusan qisada quraanku inoo sheegay ee  أصحاب الأخدود  dadka faraha badan ee dabka lagu gurayay ee suuradda buruuj lagaga sheekeeyay waxaa sabab u ahaa wiil yar oo islaamay oo la isku dayay in la dilo ka dib markii laga quustayna yidhi si aad ii dishaan waxaad dhahdaan  بسم الله رب الغلام  markii bisinka loo qabtay ee la dilay ayey dadkii dheheen rabbiga wiilkaas yar ayaan rumaynay, arrintaasina waxay xaqiijisay hadafkii uu wiilka la dilay u socday ee ahaa in diinta uu aaminsanyahay ay faafto.

Alle ha u naxariisto sheekh C/qaadir jannadiisana ha geeyo intii uu noolaa kaalin weyn oo mug leh ayuu ka qaatay faafinta manhajka salafka saalixa ah geeridiisuna waxay noqotay fursad manhajkaasi ku sii faafo oo ay ku baab’aan dicaayadihii raqiiska ahaa ee laga sameeyay.

Sh Xassan Maxamed Ibrahim
Abu Xassaan,Halgan.net,

7 Comments so far

Leave a comment

  1. Assalaamu Caleykum
    Sheekh Abuu Xassan Alle Ha ku Xifdiyo Akhii Aduun iyo Aakhiro Maqaaladaada waa maqaalo Laabta Taabanaya Alle ha kuugu daro Miisaanka xasanaadka Akhii

  2. Sheekheena Sh cabdiqaadir Nuur alle ha unaxariisto waxaan kamid ahaa ardaydii ka aflaxday masjidka ceel Hindi anigoo uga imaani Jiray xaafadda kaaraan alle ha unaxariitee waxaan kula kulmay makka 2011 asagoo xajj uyimid

  3. Ala ha unaxariito sheikh Abdu-qadir iyo sheikh Ahmed Haaji Abdirahmaan labadaba waxaan eebe uga baryeynaa in uu janadii kawaraabiyo, waxaana ka muuqata in labaduba ay khaatumo wanaagsan ku dhinteen laakiin labadaasi wadaad ee labadaba shabaabu sheydaan ay dileen labaduba xiligaasi ma dhaafeen xiligaasi ayey uqornayd in ay dhintaan waxaanse aaminsanahay in waxa laga faa-iidayo ay kaweyn tahay dhimashadooda oo iyagu xaq ah mar-naba aan baaqateen, Shabaab dilkii sheikh Ahmed Haaji ilaah waa kasoo saaray oo maalintay dileen sheikh Ahmed Haaji meelo badan oo Somalia ah bay haysteen mudo kooban kadibna meel kasta waa laga saaray sanadkan oo ay Sheikh-khii aan jeclayn ee Abdiqadir dileena inta ka harsan ayaa laga saari doonaa dadka qoraalkaygan akhrinaya waxaan usheegayaa in aad warkaasi ila fiirisaan shabaab in ay sii jabaan mooyaane soo kabadan maayaan bal hada warkaasi ila fiiriya waxaana idinka codsan markay shabaab udhamaato in aad warkaan soo xasuusataan, markaan saas leeyahay aniga layma wax yoodo dadka khuraafaadka aaminsana maahi laakiin waxaan ogahay wixii aan xaqa ilaahay iyo raali ahaan-shaha ilaahay ku fadhiyin in aanay sii waaran.

  4. Allaha u naxariisto sheekhunaa sheekh cabdulqaadir nuur faarax. Sheekhu wuxuu xanbaarsanaa oo ahaa in isagoo dacwada ku jira ku dhinto ayuu Allah uga dhigay khaatumo waana calaamad wanaagsan oo muujineysa khaatumo wanaagsan kadib cimri dheer oo uu ku dhameystay dacwada. Waxaa in loo ooyo ah dadka diin ka dhigtay iney culimada laayaan, caayaan, ama ay gaalnimo ku xukumaan. Allaah hanagu sugo manhajka saxda ah hana naga ilaaliyo manaahijta qalloocan. Sheekhunaa abu xassaan Allah haku xifdiyo.

  5. as c jazaakallahu khary sheekh ilahay ajar iyo xasanaad haka siiyo kalmadahaga wanaagsan
    sheekhenina rabi haka raali noqdo oo alle ha u naxariisto
    sheekh c/qaadir nuur farax ilahay janatulfardaawsa aclla haku soo dhaweeyo rabi hooy ha uga dhiigo
    anigu nasiib ma u yeelan in aan noqdo ardaydii ka aflaxday ama wax ka bartay
    ilaahy dartii ayaan u jeclahay sheekh c/qaadir nuur farax asaga iyo sheekh dr axmed xaaji c/raxmaan ilaahy haka wada raali noqdo
    xitaa marka aan geeri dooda maqlay aad ayaan u shalaaye in aan xata la kulmi lahaa wan ka qomameeyayilaahy dartiis aan u jeclahay waxan ku hamiyey ala hadii aad la kulmi lahad adiga oo cilmu dalib ah soo kama samirteen
    ialahy ha u naxariisto
    gaaridu waa xaq oo kama xumi lakain waa iga go ii waysay sida xun ee loo dilay ayada oo laska dhigayo in diin lagu dilayo balse aay baadil ku dileen alle ha dille kuwas
    as c

  6. as c
    jazakalahu khary walal sheekh xasan ilaahy kalmadahaga wanaagsan misaank xasanadka haku saaro
    rabi sheekheni sheekh c/qaadir nuur farax rabi ha u naxariisto janatul fardowsa aclla alle ha ugu bishaareyo
    shababna ilaahy subxaanu watacaale haka qabto umada muslimka sharkooda
    mel kasta oo aay jogan ilaahyna kuwii dilay sheekha iyo sheekh yadii kale ka horeye rabi abaal kooda haka dhigo meshii aay mutasteen ee xumaad
    as c

Leave a comment

*