Sheekh C/qaadir qof walba sheeg W/Q Sh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)

March 15, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Boosaaso:-Aadaankii salaadda jimce wax yar ka hor waxaa makarafoonka masjidka al hudaa ee magaalada garoowe qabsaday nin ka mid ah jamaacada masjidka wuxuuna sheegay inuu isu istaagay in uu dadka xusuusiyo sunno wanaagsan oo sheekh c/qaadir alle ha u naxariistee jideeyay, wuxuuna yidhi waxaad ogeydeen in sheekh c/qaadir alle ha u naxariistee uu xillagan oo kale inagala hadli jiray in masjidka loogu tabarruco dhaqaale lagu socodsiiyo howlaha masjidku u baahanyahay ee faraha badan, wuxuuna dadka u sheegay in ay xisaabta masjidka oo ah 408087 ay ku shubaan wixii tabarruc ah ee ay masjidka ugu talo galeen qof walba tabartiisa.

Sheekhu alle ha u naxariistee sidaan maqaal hore ku soo sheegay udub dhexaad ayuu u ahaa dhismaha masjidka al huda oo maanta ah xarun ballaadhan oo ka kooban ilaa 3 dabaq oo uu ku yaallo machad lagu barto shareecada iyo idaacad faafisa khayrka, haddana dadaalkii uu masjidka ku bixinayay ma aanu joojinin markii dhismuhu dhammaaday ee wuxuu u taagnaa sidii uu masjidku howlihiisa dacwadeed u gudan lahaa iyo sidii baahidiisa loo dabooli lahaa.

Inta badan masaajidda iyo goobaha dacwadeed ee garoowe ku yaallana sheekhu kaalin muuqata ayuu dhismohooda iyo hirgalintooda ku lahaa,meel kasta oo khayr ka socdana waxay dadka jooga kuu sheegayaan in sheekhu uu ku lahaa gacan iyo taageero aan la illaawi karin,waxayna muujinayaan in sheekhu si gaar ah iyaga ula shaqeyn jiray!.

Wadaad saaxiibkay ah oo filim documentary ah ka diyaarinayay taariikhda sheekha ayaa ii sheegay in uu aad ula yaabay sida uu sheekhu udub dhexaad ugu ahaa mashaariicda danta guud ee magaalada ka jirta, wuxuuna ii sheegay in uu aad ula yaaba dareen uu kala kulmay xarunta dadka waalan lagu xannaaneeyo ee magaalada garoowe, wuxuu yidhi markii aan la kulmay gabadhii xarunta madaxda ka aheyd oo aan ku idhi waxaan doonayaa inaan kaa wareysto sheekh c/qaadir waxay iigu jawaabtay oohin, wakhti dheer ka dibna waxay ii sheegtay in sheekhu tobankii bariba hal mar xarunta iman jiray isaga oo raashin iyo kaalmo u wada dadka waalwaalan.

Sidoo kale wuxuu wadaadku ii sheegay in dadkii waalwaalnaa laftoodu ay qaylo isku dareen markii ay magaca sheekha maqleen qaarkoodna ay duceeyeen!.

Ma badan dadka ogaa in sheekhu xaruntaas xidhiidh la lahaa, ama uu taageero dadka waalwaalan ee ku xeraysan, maxaa yeelay sheekhu ma jecleyn in acmaashiisa la ogaado, gabadha xarunta maamushana waxay sheegtay in sheekhu ka codsaday in ayna cidna u sheegin inuu wax u taray.

Mar kasta oo baadhitaan lagu sii sameeyo wax qabadkii sheekh c/qaadir alle ha u naxariistee waxaa la ogaan doonaa howlo badan oo alle ka sakow isaga ku taagnaa, sidii dhacday xilligii uu geeriyooday sheekh ibu baaz alle ha u naxariistee, la yaabna ma laha arrintaasi maxaa yeelay dadka aakhiro u shaqeysanaya dan kama laha in la ammaano iyo in wax laga sheego midna waxayna jecelyihiin in camalkoodu u qarsoonaado oo aan laga ogaanin.

Dadka wax tarka ah ee sida qarsoon u shaqeeya waxaa la tabaa markii ay duninada dhaafaan, waxaana umadda ku soo fakada xil ballaadhan oo ay ku gudbanaayeen, waxaana rajeynayaa inaan raggii sheekh c/qaadir ka tagay laga waayi doonin rag isu xilqaama howlihii uu umadda u hayay ee dacwo iyo danta guudba.

W/Q Sh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Sh C/qaadir waxaan isniqiiney Muddo dheer waxaanuna kasoo wada shqayney arimo badan oo khayri ah aniga oo sheekha gacayare u ah. Runtii wuu ku sifaysnaa in badan si maqaalka ku qoran. waxaan xusuustaa maalin uu lacag aad uafara badan iigu Mashruuc kheyri ah isga oo iyiri Fadlan magacayga ga sheegin.

  2. jazaaklahu khayr shiikh abuu xasaan qoraaladan qiimaha leh
    shiikh c/dulqaadir maajidyo badan yuu wax ka dhisay sidoo kale machaydo jamcado yuu wax ka asaasay oo weliba isoo de’sideetemeeyo ku jiray macalin ayuu ka ahaaa sidoo kale dadka tabarta daran ayuu caawinjiray
    kutub ayuu akhrinjiray oo daaci aftahan ah ayuu ahaa xaqana aan la gaban
    muslix ayuu aha qabaa’ilado markay islaayaan in u tago ayuu kitaabka alle ku kala xakumijiray naasix ayuu ahaa oo umada islaamka oo dhan yuu kheyr la jeclaa gaar’ahaan qoomiyada soomalida. furin ayaa soomalida ku furantay waxaan se ku kalsoonahay ardadii uu 50 ka sano wax barayey in ay meeshii ka siiwadidonan jaxaahukaah kheyr imaamu shadiid shikkh c/dulqadir nuur faarax kuwii dilay halag iyo hoog ayaan ilaah uga baryeynaaaaaa

  3. jazaakalahu khayraa sh abu xasaan aad yaad noogu faa iidaysay duruustan ku saabasan noloshii caalimkaa salfigaa xaqiiqatan markaan akhriyey maqaalkan iyo kii kahoreeyeyba waan ilmeeyey waxaad imoodaa inaan akhriyayo qaarkamida taraajumtii siyaru aclaami nubalaa ee imaamu dahabi ilaahay ha unaxariisto sheekheenii inagana alahana gu sugo xaqa

Leave a comment

*