Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi oo qarax lagu dilay dalka Suuriya(Masawiro)

March 21, 2013 - Written by

BuudiWarar ay faafiyeen Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ayaa waxaa lagu Sheegay in Qarax is miidaami ah lagu dilay Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi oo ka mid ahaa Culumada Suufiyada ee dalka Suuriya.

Qarax ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan waxaana uu qaraxu ka dhacay Masjidka Al-Iimaan gudahiisa  halkaas oo uu wax ka akhrin jiray Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi.

Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi ayaa waxaa uu aad u taageersanaa Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Asad wuxuuna aa uga soo horjeeday kooxaha Kacdoonka ka wada dalka Suuriya.

Mid ka mid ah Saraakiisha kacdoonka ee dalka Suuriya Muraad Shaami ayaa sheegay in qarax ay ka danbeeyaan laba qolo  kuwaas oo uu ku sheegay Jabhad Nusra ee Al-Qaacida iyo Mukhaabaraadka dalka Suuriya ee Shabiixa.

no images were found

Qaraxa lagu dilay Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi ayaa waxaa kale oo ku dhintay 42 qof halka dhaawaca uu sii dhaafay 84 ,sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jiray wiil uu awoowe u ahaa Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi.

Ilaa haatan ma jiraan cid Sheegtay qaraxa lagu dilay alaha u naxariistee Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi.Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi ayaa alifay in ka badan 60 Kitaab kuwaas oo kala duwan.

Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. allh u naxriisto shekha kolay ciddi dishayna waxay faa ido ayay helayaan waa wayeel 80 jir ah janada miyaa lagu galaya adilkiisa

  2. allaha unaxariisto dr ramadaan siciid buudi oo ahaa caalim caabida oo ashari ah lahaana kitaaba kalduwan allaha unaxariisto wuxuu katagey 60 kitaab wax kabadan oo kalduwan wixii diley baa kudhibqaba wuxuuna ahaa nin fahasan qidada gaalada ay kalee yihiin umada islaamka ah alla una xariisto

Leave a comment

*