Sheekh Umal oo Khudbadii Jimcaha ee shalay La dardaarmay Umada Soomaaliyeed (Dhageyso)

March 23, 2013 - Written by

sh_umalNairobi:-Sheekh Maxamed Umal oo jimcooyinkii la soo dhaafay soo jeedinayeey khudbooyin taxane ah oo uu uga hadlayey khatarta ay leedahay baneysashada dhiigga Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan kan Culimada, ayaa maanta waxa uu ku soo gabagabeeyey dardaarano guud oo aad u qiimo badan.

Dardaaranka 1aad

Sheekha ayaa dadka uga digay inay ku kadsoomaan halkudhegyo wanwanaagsan oo aan xaqiiqo ahey, isagoona tusaale u soo qaatay in Khawaarijti uu ka sheekeeyey ayan jirin cid Salaad, Soon iyo Jihaad ku gaadha, isagoona carrabka ku adkeeyey inayan waxba u tarin camaladaas asal ahaan u fiican, laakiin dariiqii haboonaa aan loo qaadin.

La dagaalan gaalo oo aan lagu cafineyn dhiigga dadka Muslmiinta ah, ayuu Sheekhu sheegay inayan waxba anfaceynin, wuxuuna intaas ku daray in kuwii horeba ayan cidna ka Jihaad badneyn.

Dardaaranka 2aad

Sheekh Umal, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xiligaan oo kale Culimada iyo Cilmiga laga ag dhawaado, isagoona carrabka ku adkeeyey in sidaas lagu badbaadayo, isagoona soo qaatay laba tusaale oo Khawaarijta qaar ka mid ah loogu caqli celiyey.

Dardaaranka 3aad

In amuuraha waaweyn oo cakirma loo daayo Culimada, si guud oo wadajir ahna ay arrimahaas u daaweeyaan, ayuu Sheekhu sheegay inuu ku talinayo, isagoona carrabka ku adkeeyey in arrimaha qaarkood maanta jira ay ka fiirsan lahaayeen saxaabo waaweyn oo Abuu Bakar iyo Cumar ka mid yihiin, halka maanta dhalinyaro aan garaad lahayn ay ku degdegayaan.

Dardaaranka 4aad

Inaan dhab loo qaadanin gaaleysiinta dadka qaarkood, ayuu ku taliyey Sheekhu, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in dhalin badan ay maanta u haystaan dadka wax gaaleysiinaya inay yihiin kuwa dadka ugu aqoonta badan, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in taasi ay tahay diin yari iyo fudeyd.

Dardaaranka 5aad

Inaan lagu kadsoomin daliishiga aayado, axaadiith, iyo hadallo culimo oo boosas aaney lahayn la dajiyo, ayuu Sheekhu ka dardaarmay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in daliilku uu sax yahay, balse halka loo daliishanayo loo baahan yahay in laga taxadaro.

Dardaaranka 6aad

Inaan leysla weynaanin, ayuu Sheekhu ka dardaarmay, wuxuuna farta ku fiiqay inay taasi tahay tilmaan ay leeyihiin Khawaarijta, isagoona shaaca ka qaaday in maanta ay jiraan dad kaligood isu haysta inay xaqa ku taagan yihiin, dadka kalena vaadi ku xukumay.

Dardaaranka 7aad

Dadka lagu ibtileeyey gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah ayuu Sheekhu ka digay in laga ag dhawaado, ama wax laga barto, wuxuuna sheegay inay taasi tahay mid lagu badbaadayo, wuxuuna carrabka ku adkeeyey marka loo nasteedxeeyo ka dib in laga dheeraado dadka ahlu baadilka ah ee uu ka soo warramayey.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimacaha ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/s77cbqq3aw/khudbadii_sh_umal_dar_daaran_001_001.mp3″] Ama Halkan Mp3

Somalireal/Halgan.net
Yaasiin Cabdi Ahmed
Nairobi

4 Comments so far

Leave a comment

  1. ilaahay ha xifdiyo sh.m.ed abdi umal ilaahay wuu nagu anfacay asaga iyo culimada kalabo ilaahay ha noo wada xifdiyo ilaahay hanooga ilaaliyo shayaadiinta isku magacaabo al shabaab ayagana ilaahay hanaga qabto

  2. maashaa alaah sheikheena alaha xifdiyo alahana nagadhigo kuwo weeleeya cilmiga oonaku shubayo hadii soomaaliyi ay culumada waxkamaqlilahaayeen saan ma aan nan ahaaneen eedad ale kabaqabaan noqonlahayn alaha na fansiiyo xaqa baadilkana nagasuuriyo aamiin

  3. Masha Allah sheikheena ilahay ha barakeeyo

  4. Asalaamu caleykum, runtii waa dardaaran qiimo badan oo ka yimid sheekheena aan Allah dartiis u jeclahay Allaha ka xafido wax kastoo xun. Walaalayaal culimada hadaan nahay soomaali ma ixtiraano ee aan ku dadaalno inaan culimadeena siino ixtiraamka ay naga mudan yihiin ee dhabta ah. Walaalaha halgan kheyr Allaha idin siiyo sidaad mar walba noogu soo tabisaan muxaadaraadka, nadwooyinka iyo akhbaarta la xiriirta culimada salafiyiinta saxda ah ee soomaaliyeed. Walaalaha halgan waxaan idinku oran lahaa ka saara linkigiina websiteka alkhilaafa iyo khilaafa kuu yahay ma hubo maxaa yeelay waxaan ku arkay afkaar ay leeyihiin nimanka caqiidada khawaarijta xambaarsan ee culimadii iyo dadkiiba dhiigooda banneystay.
    Wasalaamu caleykum

Leave a comment

*