Taliyeyaasha cusub ee ciidanka DFS oo la Dhaariyey caawa (Warsaxaafadeed)

March 13, 2013 - Written by

IMG_4284Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dharinayay Taliyayaasha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka.

“Waxaa sharaf ii ah maanta  in aan idin baro oo aan idinku soo dhaweeyo Taliyayaasha cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka General Dahir Adan Cilmi iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.”

“Ugu horeyn waxaan rabaa in aan u mahadcelino aniga iyo shacabka Soomaaliyeed General Cabdiqaadir Cali Diini iyo General Cabdikariin Yuusuf Dhagabadan, oo Ciidanka Xoogga Dalka si sharaf iyo geesinimo leh u soo hogaamiyay sanadadii lasoo dhaafay.”

“Guulo  aad u waaweyn ayey gaarsiiyeen Ciidamada Xooga Dalka. Guulahaas oo ka dhacay goboladda dalka ayagoo kaashanaya Ciidanka AMISOM. Sidoo kale waxey aasaas u sameeyeen ciidan qaran, tababar fiican leh, akhlaaq ka siman, oo ka kala yimid Goboladda dalka.”

“Shaqadooda badan iyo go’aankooda adag ayaa keentay horumarka ciidamadeena. Taasna umadda Soomaaliyeed wey uga mahad celineysaa, taarikhduna baal dahab ah ayey ku qoreysaa.”

no images were found

“Mustaqbalka Xooga Dalka waa guul. Waxaana u mahad celinayaa saaxiibadeen Beesha Caalamka. Sidoo kale cunaqabateyntii hubka waa laga qaaday Soomaaliya. Waxaa loo baahanyahay masuuliyad. Waana waajib Qaran oo  idin saaran. Waxaa mudan in la xuso in cuna qabateynta dib loo soo celin karo.” Sidaas darteed waa in aad waajibkiina gudataan oo masulliyad iska saartaan.”

“Waxaan soo dhaweynayaa General Daahir Adan Cilmi Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xooga Dalka iyo General Cabdirisaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka,  Waxaana ku wargeliyay General Dahir inuu horay usii wado horumarinta Ciidanka iyo dib-u habeyntiisa. Amniga dalka ee guud ayaa aasaas u ah Horumar, Maamul wanaag, Shaqo abuuris, iyo dhamaan howlaha uu shacbkeena u baahan yahay.”

“Ciidamedeena amniga ayaa wax walba jawaab u ah. Ciidamedeenu waa inay si fiican u tababaran yihiin, Waa inay hantaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa sida geesinimada ay ku dheehnayd ee aad cadowga isaga muquuniseen sanadihii ina soo dhaafay, Waxaan kaloo idiinkaga Mahadcelinayaa guulaha aad ka gaarteen weeraradii aad qaadeen iyo sida ay idiinkaga go’nayd inaad mustaqbal fiican gaarsiisaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

“Dowladda Soomaaliya waxey u balan qaadeysaa Ciidamada Xoogga Dalka in ay hiil iyo hoo la garab taagan-tahay. Caruurtiina iyo reerkiina waa  la daryeelayaa”

Malik Abdalla.
Director of Communication
Office of the Somali President
Villa Somalia, Mogadishu
mabdalla@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online