Taliyihii ciidanka DFS iyo Abaanduulihii Ciidamada Qalabka Sida oo xilka laga qaaday

March 13, 2013 - Written by

saraakiil1Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyey taliyihii ciidanka milatariga  Jen Cabdi Qaadir Sheekh Cali Diini iyo Abaanduulihii ciidanka DFS Jen Cabdi Kariin Yuusufa Aadan Dhega Badan.

Munaasabad balaaran oo maanta duhurkii ka dhacaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee DFS oo  ayna kaqayb galeen qaar ka mid ah golaha wasiirada ee DFS ayaa waxaa xilka wareejiyey taliyihii ciidanka xoogga iyo Abaanduulihii ciidanka DFS waxaana ay xilka ku wareejiyeen Taliyaha Cusub Ciidanka Milatariga DFS Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ( Indha Qarshe ) waxaana xilka Abaanduulaha Ciidanka qalabka sida  lagu wareejiyey Jeneraal C/Risaaq Khaliif Xuseen.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa munaasabada ka hadlay waxayna amaan u soo jeediyeen saraakiisha xilka wareejisay  kuwaas oo ciidanka ka soo gudbiyey wakhti aad u adag sida uu sheegay wasiirka G/dhiga ee DFS .

Taliyihii hore ee ciidamada milatariga Gen.C/qaadir Sheekh Cali Diini Ayaa u mahadceliyay saraakiisha xoogga dalka ee howsha adag la soo qabtay waxaana uu hambalyo u diray taliyaha cusub ee ciidanka Milatariga ee DFS isaga oo ka codsaday saraakiisha iyo ciidanka in ay la wada shaqeeyaan.

Dhanka kale Abaanduulihii hore ee ciidamada DFS  Gen.C/kariim Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa isna ugu Hambalyeeyay abaanduulaha cusub ee ciidanka DFS wuxuuna ugu baaqay ciidanka in ay la shaqeeyaan isaga oo sheegay in uu rajeynayo in ay ciidanka uu gaarsiiyo abaanduulaha cusub meel ka fiican halka uu haatan marayo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online