Wafdi uu hogaaminayo Ahmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo(Daawo)

March 23, 2013 - Written by

5Kismaayo:-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Ahmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan Maamulka magaalada Kismaayo. Wafdiga Sheekh Ahmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah afhayeenka ciidamada DFS  ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo Col. Warfaa Sheekh Aadan, afhayeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo Cabdinaasir SeeraarMaax  iyo Col.Cabbaas Ibraahim Gurey oo si weyn u taageersan in maamul loo dhiso gobalka J/hoose.

Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo, Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa markii uu ka soo degay garonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo wuxuu la hadlay saxaafada  wuxuuna warbixin ka bixiyey  safarkii ay ku tageen Nairobi, isagoo sheegay in shirar iyo wada xaajoodyo ku saabsan dhismaha maamulka Juballand ay la yeesheen waxgarad ka soo jeeda J/land iyo madaxada dalka Kenya wuxuuna sheegay in ay guul ku dhamaatay. Guddoomiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo sheekh Ahmed Madoobe ayaa  sheegay in Raisulwasaaraha DFS  Cabdi Faarax Shirdoon uu maalmaha soo socda iman doono magaalada, Kismaayo si ay DFS u qaadato dowrka ay ku leedahay dhisma Maamulka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ciidamada maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo iyo ciidamada AMISOM ayaa saaka howlgalo ka sameeyey magaalada Kismaayo gaar ahaan wadada Somali star ee xaafada Calanley waxayna ka soo saareen  miinooyin iyo bambooyin aan wali qarxin kuwaas oo ku aasnaa hareeraha wadada. Taliyaha ciidanka nabad-sugidda ee maamulka KMG ah G/Sare  Ismaaciil Max’ed Kheyr ayaa sheegay inay goor dhow qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigayaan miinooyinka ay ka soo saareen waddada Somali Star.

Ilaa haatan lama yaqaan cida dhigtay miinooyinka waddada Somali Star  ee xaafada Calanley  ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka  J/hoose.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online