Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo gaaray degmada Jowhar

March 30, 2013 - Written by Editor

saacidJowhar:-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta waxaa uu safar aan horay loo shaacin uu ku gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyey ,Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, ayaa markii uu gaaray degmada Jowhar waxaa uu kulamo kale duwan la qaatay maamulka gobolka degmada Jowhar ,odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowllada federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax  Shirdoon (Saacid) ayaa safarkiisa waxaa uu yahay mid ay dowllada Federaalka ay ku doonayso in ay wax ka soo ogaadaan xaaladaha ka jira gaar ahaan dhinac amaanka Gobollada ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa waxaa la arkayey iyagoo sugaya amaanka guud ee degmada Jowhar waxaan ay xireen dhow wado iyadoo sidoo kalena uu istaagay dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isku socdka. Ilaa hadda lama yaqaan inta maalmood oo uu qaadanayo  safarka Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta ka soo baqoolay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online