Warqad furan oo ku socota Culimada Soomaaliya. [Gabay]

March 24, 2013 - Written by

maqaal1Culimadayadoy ugu horrayntii waxaan idin leeyahay cisi iyo sharaf Allaha idin huwiyo, jazaakumullaahu cannaa khayran. Intaas ka dib waxaan idiin soo gudbinaya, anigoo idinka raali galinaya haddii qalad iiga dhoco si kama ah,  su’aalo iyo duco. Waxaan u malaynayaa in dad badan oo shacabka ka mid ahi ila qabaan su’aalaha. Waxaanna ku dhiiraday inaan idiin soo qoro markaan xusuustay hadalladii Abu Bakar Al-Sidiiq iyo Cumar Bin Khadaab Allaah raali haka noqdee oo labaduba ka codsanayay shacabkay hogaaminayeen inay u sheegaan haddii arrini qalad ula muuqato.

Shacabku wuxuu mudanyahay in culimadu u caddayso arrimaha murugsan.    Waxaan ognahay inaan Al-Shabab bilaabin in dadka Soomaalida ah inta lala dagaalamo la yiraahdo waa jihaad iyo dawlad  iyo dadka la shaqeeya oo gaalo lagu sheego.  Al-Shabaab waxay soo kordhiyeen musiibo ugub ah oo aanan u malaynayn inay adduunka horay uga dhacday.  Culimadu waxay usoo qaataan tusaale dilkii Khulafaa’u Raashidiintii Allaha raali ka noqdee, laakiin dilkii Khulafaa’u Raashidiinta looma adeegsan carruur waalidkood laga xaday!!  Haddii laynta muslimiinta Janno lagu galayo maa loo adeegsado dad waawayn oo dambiya badan galay, haddiise carruurta lala jeclaaday Jannada may madaxda Al-Shabaab carruurtooda u diraan Jannada. ? Si kastaba arrintu ha ahaatee Soomaaliyey waxa inaku dhacayaa waa in yar oo ka mid ah waxaynu gallay ee ma toobad keennaa oo Allaah maw noqonnaa?  Mise wali haruubku ma buuxsamin?

Tixaha soo socda waxaan ku cabirayaa dareenkayga runta ah:

Shacabkii cashi baa ku dhocoo caafimaad ma qabo,
Ciil iyo muruguu dhamaantiis la ciirayaa,
Markay Xaqqa u ciidamiyeeno mujrimiintii cayriyeen,
 Caqdigii Buush iyo kufriga cidda ku masaxeen,
Caada qaatoo dhan calankiisu hoos u dhacay,
Cirkii noo dararayoo saymihii curteen,
 Bulshadii  wada ciiddayoo haamihii cusheen,
Ciir inaan lulano oo coodku noo dhalaa,

Magool dib u curato calankeenni soo noqdaa,

Yaa daruurtii kala cayrshay gibiladiina caad u rogay,
Guushii noo curatay afka ciidda yaa daray,
Culimadeennoy fakara oo  maxaa cakirran?
Waxaan la caloolyoobay cindigayga aad u dhibay,Diin aan la cisaynin iyo shiikh la caayayaa,
Caalim cibaado u taagonoo caayil dilahayaa,
Nin caalimbaan ahay lihiyi soo cabbaynayaa,
Bulshada laga cayrshay masjidkay u cararayeen,
Camala shaydaanoon carradeenna laga aqoon,
Allow aan maanyadu nagu caraninoo ciiddu nala gilgilan,
Ilaah noo caroono samada nooga iman cadaab,

culimadeennoy  fakara oo maxaa cakirran?

Markii laba caalim midba cayn fatwada u dhigay,

kan kale caaraday intuu ayaada u cuskaday,
Colaadda dhexdiinnu cadaw gaala nooga daran,
Caamadii wareertay wadankiina cayn wareeg,
Cadaan weeyaano diinteenna calaw magalo,
waa cajaa’ibe xaggee ceebtu nooga timid,

culimadeennoy fakara oo maxaa cakirran?

Cirka kama imane shabaab waa carruur la dhalay,
Wa kuwii caqiidada toosan iyo aad cilmiga barteen,
U carminayseen inay gaalo cirib tiraan,
Calanka Tawxiidka dunidoo dhan ku camiraan,
markay carruur iyo caaqil iyo caalimkaba dileen,In caqligu ka daboolmay fahamkiinna calaw ka galay,
caad nagama saara oo waa cadaan la hubo,culimadeennoy  fakara oo maxaa cakirran?
Qofkii idin caaya ama caalim inaka dila,Ibliisbaa ku cayaaro naftiisuba cadaw ku yahay,
Malaayiin baase naf iyo coodba idinka jecel,
Codkiyo aragiinnu uu caafimaad u yahay,Tawxiidka carabkiinnu qalbigooda uu culaa,
kala cararkiinnu murugo aad u culus ku yahay,
Midnimadiinnuna dawiyo caafimaad u tahay,
Culimadeennoy fakara oo maxaa cakirran?

Cilmaani iyo qabiilaystee awal baanan  cudud ka rabin

Shareeca ka carare awal baanan cudud  ka rabin,

Cashiiradi laaye awal baanan cudud ka rabin,

Soomaali kala cayrshe awal baanan cudud ka rabin,

Ciiddeenna  xaraashe awal baanan cudud ka rabin,

Cadawga u adeege awal baanan cudud ka rabin,

Dollar daba carare awal baanan cudud ka rabin,

Waxanse cuquulaynayoon caadba igaga jirin,
Caqiidadaan baranay mireheeda inan cunnaa,
Furqaani dib u curatoon mar kale gaawaha u cullaa,Culimadeennoy fakara oo  maxaa cakirran?
Markii cilmiga iyo cududiinnu wada jireen,Shuuci yaa cayriyo yaa carrada ka raray,Bidcada yaa cirib tiroo Tawxiidka calan u siday,

Shacabka yaa caymiyo yaa caqiida baray,Halkay u cararaanba mu’tamaraadka yaa camiray,
Idinka codsanay midnimadii mar kale camira,
oo Caadilkaa necebe firqada ceel sal dheer ku rida.
Culimadeennoy Allow haydin gelin ciriir,

cisi ku noolaada nolol aan caqabad lahayn,

maalinta carafaado nafluhu uu cabsanahayaa,

kuwa cadceeda laga qariyo carshiga Raxmaan harsada,

Ciqaab aan marine Jannada caafimaad ku gala,

Codkiyo Aragiisa Rabbi wayne ku casumaa,

Fardawza ku caysha Allaah Caadil idinka yeel,

Xaqqa Allaah haynaku sugo,

sama.adam133@hotmail.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc
    maashaa allaah waa maqaal aad u qiima badan, culumadan in loo gudbiyo ku haboon illayn iyaguu ku socdaaye,su’aalahaasna jawaabteeda ay bixiyaan. Sama admay adna Allaha ku barakeeyo khayrkaagana badiyo murtida aad ku cabirtay arin dad badan laga yaabo inay is waydiinayaan waa mid qiima badan ee miisaanka allaha kuu saaro, adoo kalena allaha noo badiyo.

Leave a comment

*