Wasiirka G/dhiga oo galabta kormeeray xerooyin Ciidan oo ku yaala Kismaayo(Warsaxaafadeed)

March 25, 2013 - Written by

SAM_0585_(2)Kismaayo:-Wasiirka gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa galabta booqday xerooyin ciidan oo ku yaala magaalada Kismaayo, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay Sarkaalka ugu sareeya ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, iyo sidoo kale saraakiisha ugu sareysa ciidanka Xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan.

Wasirka ayaa ugu horeyntii booqday Xaruntii ciidamada ee Shiirkolo oo haatan saldhig u ah ciidamada X.D.S, gaar ahaana qeybta labaad, waxaana halkaasi uu kula kulmay saraakiisha ugu sareysa ciidamada iyaga oo uga warbixiyay xaaladdaha nololeed ee ciidanka, waxayna si gaar ah uga warameen dayactir lagu sameeyey qeybo ka mid ah xaruntan.
Wasiirka ayaa kormeeray ceelel dhowaantan laga qoday xerada iyo dhismayaal si kumeel gaar ah loogu diyaariyay inay ku shaqeeyaan ciidamada, isaga oo sidoo kalena kormeeray madaxtooyadii hore ee Kismaayo halkaas oo iyadana ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ee Kaambooniyiinta.

no images were found

Wasiirka oo markii uu soo gabagabeeyey kormeerka la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kulamo kala duwan uu la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo kuwa ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Kenya, wuxuuna xusay inay ka wadahadleen arrimo khuseeya amniga iyo iskaashiga ciidan ee labada dhinac, wuxuuna xaqiijiyay in dhowaan uu magaalada Muqdisho soo booqan doono sarkaalka ugu sareeya ee ciidamada Kenya.
Ugu dambeyntii, wasiirka Gaashaandhiga Mudane Fiqi ayaa ammaanay ciidamada kala duwan ee ka howlgala magaalada Kismaayo iyo qeybaha kale ee gobolka, wuxuuna si gaar ah ugu bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen xoreynta gobolka J/hoose oo ay kula dagaalameen maleeshiyada nabadiidka ah ee Shabaab. isaga oo u balanqaaday in la qarameyn doono kuwa aan weli la qarameyn, isla markaana loo bilaabi doono si deg deg ah mushaaraadkooda iyo xaquuqdooda kale ee ciidanba. maadaama buu yiri laga qaaday dowladda Soomaaliyeed xayiraadii hubka.

Garad Salad Hersi

Press officer
Kismayo, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online