Yaa diidan in Masaajidda Ilaahay la Camiro ? W/Q C/raxmaan Aw Ciise Muuse

March 7, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Wuxuu ilaahay SWT uu adduunka ku leeyahay guryo ay addoomadiisu ku caabudaan oo isaga uun ku xusaan iyadoo aan ujeeddo kale loo dhisin loona soo gelin, xitaa waxaa la diiday in baadida laga yaboohiyo, iyadoo qofkii baadi ka yaboohiyana lagu habaarayo in uusan alle siin, sababtuna waxaa weeye in masjidka loo dhisay oo keliya xusitaanka ilaahay Waxaa u marqaanti ah qowlkii alle  في بيوت أذن الله أن ترفع ويذكر فيها اسمه يسبح له فيها بالغدو والآصال 

Halkii ay saas ahayd waxay kooxda alshabaab u bedeleen masaajiddii noocaas ahayd kuwo kharaab ah oo dadkii ka carareen kadib markii ay dadkii ku dileen agagaarka Masjidka, irridda hore ee Masjidka, Albaabka Masjidka, gudaha Masjidka iyo salaadda dhexdeeda, maalinba heer, taasoo ay uga danleeyihiin in masaajiddu faaruq noqoto, halkii ay horay masaajidu u hayd kuwo camiran, ayna camirijireen kuwa alle iyo maalinka aakhiro rumeeyey sida ku cad aayadan qur,aanka karimka ah. كما قال تعالى: إِنَّمَا يَعْمُرُ مَسَاجِدَ اللَّهِ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ
Waxay kooxda alshabaab ku sifoobeen kuwii uu alle qur,aanka kaga waramay oo uu yiri  ومن أظلم ممن منع مساجد الله أن يذكر فيها اسمه وسعى في خرابها أولئك ما كان لهم أن يدخلوها إلا خائفين لهم في الدنيا خزي ولهم في الآخرة عذاب عظيم ( 114 ) )  Yaa ka dulmi badan ruux diiday in ilaahay lagu xuso masaajiddiisa, oo ka shaqeeyey sidii ay masaajiddu kharaab u noqon lahayd, kuwaas abaal marintoodu waxaa weeye in ay adduunka ku leeyihiin dulli, aakhirona cadaab weyn. Waxaa halkaas ka cad in aysan ka mid ahaydn kuwa rumeeyey alle iyo maalinka aakhiro ee iyagu masaajidda camira sida ku cad aayaddan qur,aanka ah ee hoos ku qoran.

كما قال تعالى: إِنَّمَا يَعْمُرُ مَسَاجِدَ اللَّهِ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ

Haddaba waa yaabe kuweebaa xun iyaga iyo gaalada umadda soomaaliyeed u qaxday oo iyagu u ogol inay masaajiddo dhistaan,camiraan maraakiz dacwo yeeshaan, diintooda kuwataan ubadkooda ku badbaadsadaan? akhristoow adaan kaaga tegey jawaabta.Waxaa yaab iyo fajaciso ah in kooxda al shabaab ay bartilmaameed ka dhigtay Masaajidda iyagoo muddo dhawr sano ah dadka ku dilayeyey xatabaadka Masaajidda, dhowaanna ku dilay Sh, C/qaadir Nuur Faarax Masjid gudihiis isagoo weliba salad ku jira. Sidoo kale waxay caawa oo tariikhdu ay tahay 7/03/2013 Bam ku tureen bannaanka hore ee Masjidka weyn ee Al-rowda,iyadoo weliba ay halkaasi ka socotay nadwo diini ah oo ay dhegaysanayeen dadweyne aad u tiro badan, iyadoo ujeedku ahaa in ay dadku kala cararaan.

Waxaase aad ii cajabiyey sida aysan dadku ugu dhega nuglaan falkooda fulaynimada ah, dadkuna u dhamaysteen dhegaysiga nadwadii socotay iyo salaaddi cisheba iyagoo weliba degan oo aan wax cabsiya muujin.
Waxaa diyaariyey  C/raxmaan Aw Ciise
Muuse,
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Xasaan Isagaa Marakayn iyo Yuhuud u shaqaynaaya ee maxaaloogu dhiibayaa wuxuu culimada iyo dadka islaamka ah ee kale u laynayaa waa inuu wadanka yuhuud u dhiibaan isaga koxdiisa Alshabaab Sidii ay usoo Geliyeen Itoobiya,Kenyaan ,iyo Amison ayay rabaa in ay inta hartayna u diyaariyaan

    Lakiin Hadii Alshabab damcay in ay dinta iyo dalka dumiyaan Ilaahay Diintaan Isagaa koryaalaaya Oo hadii Shikh Dr axmed Ladilay ama Shikh C/qaadir Ladilay ilaahay wuxuu soo saaray Dr Axmedo Iyo Shikh C/qaadiro kale oo xaqa cadeeya isuna taaga ee al shabaab huq ha udhinto Amiin Amiin Amiin
    Intaa kadib waxaan leeyahay umada alahaka qabto al shabaab iyo Muftigooda shaydaanku ku shaqsanaayo

  2. waa wax lala yaabo shabaab waa argagixiso dhaafeen mar haday masaajidadii ay bartilmaameed ka dhigteen mida kale
    kani u fatwooda ee xasaan maxaa loo qaban waayey oo maraykan loogu dhiibi waayey

    ninkani dilka culimamda baneeyey hadana ku faanaya

  3. aduunka waxaan ugu jeclahay culamadda ictisaamka umadoo dhan jid haddeey maraan ictisaamna jid maro waxaan marayaa jidka ictisaamka.

  4. xassaan abuu salmaan iyo shabaabul maanicul salaad cinilmasjid ilaahay hadduusan hanuun la doonin aduunka allaah ha nagu tuso ayadoo caruurta ay cayrsanayaan jidadka qashinka lagu shubo aakhiranna 7cadaaboodba allaah ha ku cadaabo

Leave a comment

*