DFS oo ka hadashay howlgalo ciidanka DFS ka sameeyeen magaalada Muqdisho

April 30, 2013 - Written by Editor

IMG_9699Muqdisho :-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee DFS  C/shakuur Cali Mire ayaa ka warbixiyey howlgalo ay ciidanka DFS ay maanta ka sameeyeen magaalada Muqdisho ,howlgalada ay ciidanka DFS ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa hakad galiyey isku socodka wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidmada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray isgoysyada xaafadaha magaalada Muqdisho waxaana ay howlgalada ku soo qabteen dadweyne aan tiradooda la cayimin

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee DFS  C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in howlgalada saaka ay ciidanka DFS ka fuliyeen magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay sugida amaanka wuxuuna meesha ka saaray in ay jiraan xog ay heleen in weeraro ama qaraxyo ay kooxda Al-shabaab ka fulin rabto gudaha magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee DFS  C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in howlgalada ay ciidanka DFS ka sameeyeen magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay sugida amaanka iyo ka foojignaanta waxyaabaha lidka ku ah amaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada DFS ayaa waxay maanta howlgalada ka sameeyeen Degmooyinka Hodan, Hawl Wadaag, Wardhiigley iyo Degmada Kaaraan waxaana ay gacanta ku soo dhigeen tiro dhalinyaro ah oo aysan DFS aysan shaacin.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online