Fatwo laga soo saaray isku daygii lagu khaarajin lahaa Abu Mansuur Al-amriki .

April 30, 2013 - Written by Editor

fatwoMuqdisho:-Waxaa mar kale saaka lagu faafiyey mareegta  aljahad. com  oo ka mid ah mareegaha lagu faafiyey wararka urur weynaha Al-qacida  Fatwo ay soo saareen  qaar ka mid ah culimada ururka Al-shabaab ayna kaga hadleen  isku daygii dilka ahaa ee uu ka bad baaday Abu Mansuur Al-amriki .Culimada ururka Al-shabaab ee Fatwadaan soo saartay ayaa waxaa ay ka digeen in qof muslin ah dhiigiisa la banaysto ama si xaq daro ah lagu dilo iyagoo daliilo fara badan oo Quraanka iyo Sunadda Nebiga Naxariis iyo Nabadgelyo korkiis ha ahaateen soo aroori yey. Culimada ururka Al-shabaab ayaa sheegay in dadka si  gaarka ah loo beegsaday  ay kala yihiin:-

1-    Abu Mansuur Al-amriiki , oo yimid dalka Soomaaliya waqtigii Maxaakimta kana qayb qaatay dagaaladii ay shabaabku ku qabsadeen magaalada Baydhabo iyo Gobolka Bakool isagoo noqday  Hogaamiye Dagaal , waxaan markii danbe uu ka mid noqday Golaha Shuurada ee ururka Al-shabaab.

2-    Khidhaab Al-Masri oo isagan ka mid ahaa dadkii Muhaajiriinta ahaa ee ka garab dagaalamayey ururka Al-shabaab waxaan aad looga yaqaanay Gobolka Banaadir gaar ahaan Liido.

3-    Usaama Al-biridaani oo isagana ahaa dadkii Muhaajiriinta ahaa ee ka yimd dalka Ingiriiska kana garab dagaalaay ururka Al-shabaab ayan ku tilmaameen in uu yahay Askari leh sabir iyo Adkeysi.

Waa markii ugu horaysay oo qaar ka mid ah culimada ururka Al-shabaab ay soo saareen Fatwo ay kaga digayaan in la daadiyo dhiig qof Muslin ah, Qoraalada iyo Fatwada la soo geliyey mareegta aljahad. com  ayaa soo shaac bixiyey Khilaafka iyo muran u dhexeeya hogaami yaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo maddax ka tirsan ururkiisa iyo weliba  Muhaajiriinta ka garab dagaalamayey ururka. Halkaan ka eeg cabashatdii Abu Mansuur Al-amriki uu soo dhigay bartiisa Twitterka

Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Madaxda Ururka Al-shabaab oo ka hadlay qoraalada lagu soo daabacayo  mareegta aljahad.com oo inta badan lagu soo daabaco warar , warbixino iyo dagaalo ay galeen ururka Al-qaacid iyo ururada Islaamiga ah ee hubaysan sidda xarakada Dalibaan ee ka dagaalanta dalka Afgaanistaan. Halkaan ka akhri Fatwada ama Halkaan ka eeg

Culimada ururka Al-shabaab ee soo saaray Fatwadaan sida lagu faafiyey  mareegta  aljahad. com  ayaa waxaa ka mid ah:-

1- Sh Xassan Daahir Aweys

2- Sh Mukhtaar Roobow  Abu Mansuur

3-Sh Ibraahim Miicaad  Afgani

4- Sh Zubeyr Al- Muhajiri

5- Macalin Burhaan Sh Xaashi

Source,  aljahad. com
Halgan.net

 

 

 

 

13 Comments so far

Leave a comment

  1. Waxaan ka maqalay shikhaana Umal Allaah haxifdiyee hadal aad aan ugu qoslay runtii aan aad ula yaabay waxuu yiri mar alshabaab wax laga weydiiyey habar cadaan ah oo la afduubay waa iska fogeyeen dhigii culimadana waa iska fogeeyn wayeen ala cajiib sanaa hada bayaan ayaa laga soo saaray in dhiga ninkaan xaraan yahay mala alshabaab dhiigooda ayaa xaar ah kutubta ay iyagu sameesteen ayay ku qoran tahay aloow na badbaadi.

  2. Asc

    Waa Fatwo Cajiib ah ee raggaas Rabbi ha soo hanuuniyo haddii aan hanuun u qornayna Rabbi Umadda ha dhaafiyo

  3. culimadaan aan ka hadleyn dhiiga culimada soomaaliyeed oo ayagoo salaada ilaahey tukanaaya oo safka hore ee salaada lagu dilay aan ka hadleyn oo difaacaya niman u shaqeeya CIA aniga waxaan idiin dhihi lahaa WACADALE DULI BAAD KU SOCOTAAN LABADA DAAROODE aduunyo iyo aakhiroba

  4. A/c wr wbr
    Salaam kadib .
    alshayadhiin insha allah culimada aad masajidada ku layseen & umada Somalida aan waxba galabsan oo dhiigooda daadiseen nabsigaas ayaa idinka soo baxayo.

  5. Asc

    waxaaa si cad looga fahmayaa in shabaab ragooda culumada lagu sheegay aysan islam u haysan kooxdooda mooyaane, taa waxaa cadaynaya weli meel ay kaga hadleen lama hayo xaaraantinimada dhiiga dadka somaliyed ee habeen iyo maalin shabaab u guntan yahay in uu daadiyo. lakin ka ayaga dhexdoda waa xaraan nusuus badana waa isu soo daliilinayaa.. in ay khawarij ku sifobeen ayaa cad.

    Allow sharkoda umada uga raxee..

    Wsc

  6. kkkkkkkkkkkkkkk.nimankaas ma fayooba way bukaan ,xurmadada dhiiga muslinka ah ee ay ka hadlayaan maxay tahay? iyagaaba bannaaystay dhiigii culimada ,caruurta ,haweenkiiye mise marka iyaga la soo taabto ayey aayadahaas daliilshadaan ,waxaan idin leeyahay ,midhihii aad abuurtaan ayaad guranaysaane adkaysta ,wali laysma gaadhine

  7. Meel fiican ayey mareyaan, berina waxaa kuxigta dhiga musliminta somaliyedana waa xaarama , waan kufarxasanaha fatwada Nususta ay soo naqalin waa nusus caam ah gaar kumaha Al Amrici iyo 2 s as xibadiisa, One step for ward,

  8. asc please soo dhaweeye culumada hadii ay maanta garteen in dhiiga muslimka uu xaqdaro yahay.Waxaan ka qaadanaynaa inay dheheen dhiiga muslimka waa xaqdaro.Waxaan malaynyaa hadii aana qaldanayn in markii la’dilay sh abdulqaadir raga qaarki ay ka’hadleen, oo atleast ay muujiyeen inaan dhiiga culamada ayna banaanayn.Marka hadii ay ragaas soo noqdeen waan soo dhawaynaynaa walibana meesha ha kay ka soo tageen oo dadkooda ha’kusoo noqdeen wa’bilaahi tawfiiq.

  9. dadkani dadka ay muslimka u yaqaanaan waa intooda
    adiladana waxay u wadaan xarakadooda ,horay wixii muslim dabka lasudhay
    miyaad hadal uga maqasheen, inay ka hadlaan iska daaye dadka kale
    iyaga islaamba uma haystaan, marka hadalkoood daa.

    Allaah waxaan ka baryaynaa inuu daalimiinta isku
    madhiyo muslimka la dulminayana shartooda ka qabto.

  10. Ala maxaa umada aha wareer hasta aloww na bad baadi waxaa wax lala yaabo rag culimo diinta ku cereestay oo la og yahay say mushtamaca diinta u bareen igana dadaleen diin la,aanta iyo duliga waxaa la baneestay dhigoodi waxrkoodina waxaa laga soo qaaday wax aan iri wiil naag gaalo dhashay oo 28 ir haduu rabona gaalo jaajuus u ah ayaa la difaacin aloww umadaan adaa leh ee inta dhuntay soo hadee hadii kalena umada dhaaf.

  11. Asc: kuwani culimo ma waa culamaau suu waayo islaamka waxay uyaqaanaan afarta khawaarijta ah ee ay isku fikirka yihiin maxay uga hadli waayeen haday run sheegayaa umada muslimka ah ee soomaaliyeed ee la dhameeyey ee culimo iyo caamo iyo caruur iyo waxgarad iwm leh ee maalinkasta ladilayo ama la isku akhrinayo, waxaan kusoo koobayaa waxba ha calaacalina al amrriki idinkaa kuxiga illaahay waa idinka jaraya waxaad umada muslimka ah ugaysateen hadaydan katoobad keenin inta goori goortahay

  12. asalama calaykum
    waa wax la yaab leh in dhiiga al shabaab la yiraahdo waa xaq daro dhiiga shacabka soomaaliyeed ee masaaakiinta ahna la banaysto taa waxaaba kasii daran dhiiga culumada rabbaaniyiinta ah oo weliba salaad iyagoo tukanaya dhiigooda la daadiyo, waxaan walaalaha u dar daarmayaa nimankaas inaysan ku kedsoomin oo fikirkaas qaloocan ayasan qaadan, iyagana waxaan leeyahay war illaahay usoo noqda oo dhiiga muslimiintu waa isku mide ma jiro nmid xalaal ah iyo mid xaaraan ah ee shacabkaan dhibka iyo hagardaamada ka daaya.

  13. Waxaa wax lala yaabo ah ragan fatwadaan soo saaray in aysan ka hadlin dadka muslimiinta, masaakinta somalida ah ee Ururka Alshabaab habeen iyo maalin ku leynayo gudaha dalka somalia, kama aysan hadlin Culimadii masaajida lagu laayay ee ahlu fadliga ahaa, kama aysan hadlin wax garadkii iyo aqoon yahanadii alshabaab ku dileen shaamow iyo warshada hargaha ee xamar, waxay hadalkooda oo dhan ku difaaceen sadex nin oo qeyb ka ahaa xasuuqii Alshabaab u geystay umada somaliyeed oo waxa keliya ee hada la isku hayaana ay tahay maslaxad gaar ah.
    Sheikh Xassan Dahir ma ka hadli waayey Dilkii foosha xumaa ee Alshabaab u geysteen Dr Ahmed Sheikh Abdirahman iyo Sheikh al walid Abdulkadir Nur Farah Raxmatulaahu calayhim, waxaan hubaa in Sheikh Xassan sida uu yaqaan ragaas culimada ah in uusan u aqoon sadex nin ee aanan aqoon meel naga soo galeen, marka waxaa cajiib in aan laga beri noqon dilka muslimiinta aan waxba kasban arin yar oo ururka dhexdiisa ahna fatwooyin iyo cabashooyin laga soo saaro.
    Ragan fatwada soo saarow ALLAAH ka baqa oo inta ay goori goor tahay gumaadka Alshabaab ku hayaan haldoorka umada ka beri noqda.

Leave a comment

*