Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gaaray Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga

April 28, 2013 - Written by Editor

DSCN5382Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayadoo wafdiga Gudoomiyahana ay caawa ku wajahan yihiin magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ataturk Airport ee magaalada Istanbul kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga oo uu ka mid yahay Duqa magaalada Istanbul ayadoo Gudoomiyaha iyo Duqa magaaladana ay wadahadal kooban ku yeeshan qeybta nasashada (VIP) ee garoonka diyaaradaha.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mid ah Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka qaarkood iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha waxaana ay wafdiga caawa u ambabixi doonaan magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga.

no images were found

Maalinnimada berri ah waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu wadahadallo gaar gaar ah Ankara kula qaadan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga,Ra’isulwasaare Recep Tayip Erdogan,Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha hay’adda hormarinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA.

Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah adkeynta iyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo mudooyinkan aad usii xoogeysanayey ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaankana uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Dalkan.

—DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online